4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Dowladda Mareykanka oo soo Dhaweysay Heshiiska ku Saabsan dib u Dejin loo sameeyo Qoxootiga Soomaalida ee ku sugan Kenya

Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa u hambalyeeyay dowladda federaalka Soomaaliya oo maalintii Axadda ahayd kala saxiixday heshiikii saddex geesoodka ee ku saabsanaa dib u dejinta Soomaalida ku ah dalka Kenya qoxootiga.

Heshiiskan ayaa waxaa kala saxiixday dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo hay’ada UNHCR ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga. Heshiiskaas ayaa ah mid meel-marinaya nidaamka dhigaya in dib u celinta qaxootiga Soomaalida uu ahaado mid iskood ay ku dooranayaan qoxootiga, balse uusan noqon mid lagu qasbanayo inay dalkooda ku laataan.

Sidoo kale, heshiiska ayaa noqoshada qoxootiga wuxuu ku saleeyay qaab isugu jira sharaf iyo nabadgelyo, isla markaana waafaqsan nidaamka guud ee Qaramada Midoobay ay u dajisay qoxootiga.

Wasiiradda arrimaha dibadda Somaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan oo ka hadshay heshiiskan ayaa sheegtay inaysan jirin cid lagu qasbayo in dib loogu celiyo Soomaaliya, iyadoo sheegtay in ruuxa qoxootiga ah uu isagu doorto in dalkiisa dib loogu celiyo.

Dhanka kale, mas’uulka u qaabilsan dowladda federaalka Soomaaliya dib u celinta qoxootiga ku nool dalalka dariska ah ayaa isaguna hadal uu qaar ka mid ah warbaahinta ku siiyay Muqdisho ku sheegay in qaabkan uu yahay mid la marsiinayo sharciyada caalamiga ah ee qoxootiga, isla markaana qofkii dib u soo noqonaya uu helayo xuquuq.

Kenya oo daris la ah Soomaaliya ayaa waxaa ku nool in ka badan hal milyan oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo qaarkood ku noolaa dalkaas 23-kii sano ee ay colaaduhu ka jireen Soomaaliya.

Ugu dambeyn, warsaxaafadeedka kasoo baxay Mareykanka ayaa xusay in mar walba ay dowladda Mareykanku garab-taagan tahay xukuumadda iyo shacabka Soomaaliyeed ayna ka caawinayaan sidii lagu gaari lahaa nabad-galyo, xasiloonida iyo horumarka waara.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya