4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda oo xukun dil ah ku ridday Sarkaal ka tisran Ciidamada Milateriga Somalia

Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka ayaa maanta xukun dil ah ku ridday sarkaal sarkaal ka tisranaa ciidamada xoogga dalka, kaasoo dilay sarkaal kale.

Xukunkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay noociisa oo ay riddo maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga, iyadoo afhayeenka maxkamadda Col. C/llaahi Maxamed Keyse uu sheegay in maxkamaddu ay xukunkan ridday kaddib markii sarkaalka uu ka caddeeyay maxkamadda horteead in dambiga uu galay.

“Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka waxay xukun dil ah ku ridday xiddigle, Cabdiraxmaan Xasan Caddoow oo qirtay inuu dilay L/xidigle, Ismaaciil Axmed Cadoow,” ayuu yiri Col. Keyse oo intaas raaciyay in xukunkan laga qaadan karo rafcaan muddo bil gudaheed ah.

Col. Kayse ayaa sheegay in sarkaalka dilka lagu xukumay ee horay u dilay sarkaalka kale ay da’diisu tahay 45-jir, uuna dilka ka dhacay Mahaadaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

“Sarkaalka waxaa la dilay 18-kii Oktoobar 2013, kaddib markii uu amar ku bixiyay in la adkeeyo difaaca degmada Mahadaay oo laga saaray Al-shabaab, iyadoo gacan ku dhiigluhu uu amarkaas kasoo horjeestay ayna taasi keentay inuu rasaas ku furo sarkaalka geeriyooday,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, afhayeenka maxkamadda ayaa sheegay in sharciga makamadda u yaalla uu dhigayo in askarigii ama sarkaalkii ka horyimaada amar uu bixiyay taliyaha qaybta uu ka tirsan yahay uu xukunkiisu noqon doono dil toogasho.

“Waxaa looga digayaa ciidamada dowladda iyo saraakiisha kale inay diidaan amarka ay bixiyaan taliyeyaashooda, haddii ay diidaan oo maxkamadda la horkeeno xukunkoodu wuxuu noqonayaa dil toogasho, waayo waxaa lagu jiraa xilli dagaal,” ayuu Col. Kayse hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada xoogga dalka Somalia ayaa ku ridday xukunno kala duwan ciidammo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada kala duwan ee dowladda, balse xukunkan ayaa wuxuu noqonayaa kii noociisa ugu horreeyay o ay maxkamaddu riddo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya