4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Culummaa’udiinka Soomaaliyeed oo Madaxda dowladda ugu baaqay inay si hoose u Xalliyaan Khilaafka soo dhex-galay

Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Culummaa’uddiinka Soomaaliyeed oo ka hadlay khilaafka soo dhexgalay madaxda dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbaday inay si hoose u xalliyaan, iyagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan xilligan qaadi karin khilaaf.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo ah guddoomiyaha hay’adda culummada Soomaaliyeed ayaa sheegay in khilaafkan uu xudun u noqon karo dib u dhac ku yimaada dalka, wuxuuna dalbaday in madaxdu ay iyaga xalliyaan khilaafkooda.

“Waxaan maqlaynaa in khilaaf uu soo dhexglaay madaxda dowladda, taasi waa mid aad looga naxo, waayo shacabka Soomaaliyeed ma qaadi karaan wixii hadda ka dambeeya khilaaf iyo muran siyaasadeed oo madaxda soo dhexgala, sidaa daraadeed madaxda dowladdu waa inay khilaafkooda iyagu xalliyaan,” ayuu yiri Sheekh Bashiir.

Sidoo kale, Sheekhu wuxuu sheegay in khilaafkan uu sabab u noqnayo inuu dalku horumar gaaro, sidoo kalena wuxuu ragaadinayaan dib u dhiska dalka iyo horumar lagu tallaabosado.

“Khilaaf sidiisaba ma wanaagsan, waxaana madaxda leennahay dib u dhac yaan dalka iyo dadka loo horseedin, waana inaad khilaafkiinna si nabad ah ku xallisaan,” ayuu Sheekhu mar kale yiri.

Dhanka kale, waxaa isla arrintan ka hadlay Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ah guddoomiye ku xigeenka hay’adda culummada Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay khilaafkan dhaqan laga soo gudbay oo dib u soo laabtay.

“Waxaan filaynay in dhaqankaan laga soo gudbay, balse waan aragnaa inuu dib u soo laabtay. Waxaan u sheegaynaa madaxda dowladda in dadku aysan u dulqaadan doonin khliaafyo soo dhexgala madaxda dowladda, waa inay si hoose u xalliyaan khilaafkooda,” ayuu si ay caro ku jirto u yiri Sheekh Nuur Baaruud.

Sheekha oo sii hadlay ayaa sheegay in madaxda Soomaalida laga doonayo in khilaafkooda ay si hoose u dhaqaan, maadaama la yiri gacmo-geel-jire hoos ayaa loo dhaqaan. Taasoo uu ula jeeday in madaxda Soomaalida ay sida ugu dhaqiyaha badan go’aan uga gaaraan.

Khilaafka soo dhexgalay madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa wuxuu gaaray heer uu ra’iisul wasaare Saacid ka sheego warbahinta inuu jiro khliaaf dastuuri ah oo soo dhexgalay isaga iyo madaxweynaha Somalia.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya