4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Maxamuud Nuur oo ku Guuleystay Tartanka Guddiga Iskoollada Minneapolis oo ay ku Tartameen Soomaali iyo Ajnabi

Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Golaha maamulka waxbarashada Minneapolis ayaa u magacaabay Maxamuud Nuur inuu noqdo guddoomiyaha guddiga waxbarashada MPLS, iyadoo xilkan ay ku tartameen afar xubnood iyadoo guddiga uu natiijada ku dhawaaqay xalay oo bishan ay ahayd 12.

Maxamuud Nuur oo ka mid ah Soomaalida deggen magaalada Minneapolis ayaa bedelaya Xuseen Samatar (Alaha unaxariistee) oo ahaa ruuxii Somali ah ee ugu horreeyay ee loo doortay xilkan sannadkii 2010. Maxamuud ayaa xilkan kula tartamay seddex qof oo ay ku jirtay xaaskii uu ka geeriyooday Xuseen Samatar oo lagu magaacabo Ubax Jaamac, iyadoo natiijada ay kaga dhawaaqeen xafladdii xalay dhacday guddi gaar ah oo loo saaray.

Sidoo kale, Maxamuud ayaa madax ka ah xafiiska ugu wayn ee u adeegga Soomaalida deggen gobolka Minnesota isagoo ka ah fuliye sare ururka isbahaysiga bulshada Soomaaliyeed ee Minnesota (CSCM), waana sarkaal u shaqeeya gobolka MN, Maxamud waxuu soo labeenayaa guushii ay gaareen toddobaadkii hore labo qof oo Soomaaliyeed doorashooyinkii dowladaha hoose ee dalka Mareykanka.

Maalintii dhagaysiga ay wada-galeen Maxamuud Nuur, Ubax Jaamac, Nicque M. iyo Ira Jourdain ayaa aad looga faallooday ciddii kusoo bixi karta kursiga uu ka geeryaaday Xuseen Samatar oo ahaa shaqsi magac & waxqabadba ku lahaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggen gobolka Minnesota, Xuseen ayaa aad loogu xusuustaa inuu ku dadaalay in iskuullada MPLS lagu dhigo fasallo lagu barto afka Soomaaliga.

“Muhiim ayay inoo tahay inaan helno dad ka turjimi karta baahideenna aan u sheegan karno waxaan tabanayno,” waxaa sidaa tiri hooyo aan kula kulmay goob ka mid ah magaalada MPLS markii la magaacabay Maxamuud Nuur.

Maxamud Nuur oo isagana la hadlay HOL ayaa yiri: “Waxaan ku dadaali doonaa sidii loo tayeyn lahaa waxbarashada magaaladeenna oo mustaqbal inoo ah, waxaanan daneynayaa inaan sare u qaado maadooyinka qaarkood sida xisaabta iyo tiknolojiyadda, waaliddiinta Soomaaliyeed waan inaan ku xiraa iskuullada, waxaana doonayaa inaan wada-shaqayno macallimiinta Soomaaliyeed, waaliddiinta iyo culummaa’uddiinka si aan u hormarno .”

Maxamuud ayaa horay ugu tartamay aqalka sare ee gobolkan Minnesota 2012-kii waxaana uu doorashadaas ka galay kaalinta labaad isago looga guuleystay 300 cod oo kaliyah.

Siyaad Siciid Saalax
[email protected]
Minneapolis, Minnesota