4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Taliyayaasha ciidamada booliska Soomaaliya iyo Uganda oo wadahadalo ku yeeshay magaalada Kampala (SAWIRRO)

Saacid 1.jpgArbaco, November 13, 2013 (HOL) - Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya General C/xakiim Daahir Saciid (Saacid) oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ayaa wadahadalo la yeeshay saraakiisha dhanka ammaanka ee dalkaas.

Wadahadallada oo diirada lagu saarayay iskaashi toos ah oo Soomaaliya iyo Uganda ay ka yeeshaan dhanka ammaanka iyo sirdoonka ayaa ku dhammaaday is-afgarad.

General Kale Kayihura oo ah taliyaha ciidamada booliska ee dalka Uganda ayaa sheegay in booliska iyo sirdoonka Soomaaliya ay kala shaqayn doonaan dhinacyada sirdoonka, isdhaafsiga macmuulaadka, tababarada iyo waliba dhisitaanka xirfada ciidamada booliska iyo sirdoonka Soomaaliya.

General C/xakiim Daahir Saciid iyo General Kale Kayihura ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay dhisaan guddi farsamo oo labada dal ka wada dhexeeya kaasoo ka shaqaynaya sidii loo hormarin lahaa xiriirka dhanka ammaanka iyo sirdoona labada wadan oo uu ka dhexeeyo xiriir adag maadaama Uganda ay tahay waddanka ciidamada ugu badan ay Soomaaliya ka joogaan marka laga hadlayo wadamada Afrikaanka ah ee ciidamada AMISOM ku deeqay.

Saacid 2.jpg
Saacid 5.jpg
Saacid 3.jpg
Saacid 4.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya