4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Booliska Kenya oo shaaciyay Inay Xaafadda Islii ku toogteen raggii weeraray Xildhibaan Yuusuf Xasan (SAWIRRO)

IMAG0074.jpgWednesday, November 13, 2013 (HOL) - Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in labada nin ee ay saaka ku toogteen xaafada Islii inay ahaayeen kuwii ka dambeeyay weerarkii lagu dhaawacay xildhibaan Yuusuf Xassan bishii December ee sanadkii lasoo 2012.

Labada nin ayaa lagu dilay wadada 12-ka ee xaafada Islii iyadoo laga helay bistoolad ay xabado ku jiraan iyo bambo gacmeed ay doonayeen inay ku fuliyaan weeraro cusub sida ay sheegeen ciidamada boolisku.

Taliyaha ciidamada booliska ee Nairobi Benson Kibue ayaa sheegay in nimanka la dilay ay ku lug lahaayeen weerarkii lagu qaaday xildhibaanka oo ahaa mid loo adeegsaday bambada gacanta laga tuuro.

Maxamed C/kariim Ismaaciil (Shiine) oo ah maareeyaha degmada Kamakunji islamarkaana goob joog ka ahaa marka la tooganayay nimanka ayaa sheegay in boolisku ay ku wargaliyeen in raggani muddo dheer dabagal ku socday ayna qaadeen weeraro isdaba-joog ah oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro.

IMAG0072.jpg

Waxaana uu sheegay in ay tahay markii ugu horreysay ee boolisku ay tallaabo qaadeen tan iyo markii xildhibaanka la weeraray sanadkii hore.

“Dhowr jeer ayuu xildhibaanku baarlamaanka ka sheegay in aan waxba laga qaban weerarkii lagu qaaday isaga waana markii ugu horreysay ee booliska ay tallaabo qaadeen” ayuu yiri Shiine oo sidoo kale kamid ah raga sida dhow ula shaqeeya xildhibaanka.

Shiino ayaa sheegay in ragga la toogtay aysan Soomaali ahayn oo ay ahaayeen Keenyaanka kale taasoo muujinaysa inaysan Soomaalidu wax lug ah ku lahayn weeraradii isdaba-joogga ahaa ee ka dhici jiray xaafada Islii ee Soomaalidu ay ku badantahay kuwaasoo intooda badan loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro.

Xildhibaan Yuusuf Xassan oo wali la tacaalayay siduu uga kici lahaa dhaawacii gaaray oo lugaha ka haleelay ayaa iminka ku sugan magaalada New York oo looga saaray biro lugaha laga galiyay.

Axmed C/samad,Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya