4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Golaha Ammaanka oo isku raacay kordhinta AMISOM waqtiga howlgalkooda iyo in la Taageero Dhismaha Ciidamada Somalia


Arbaco, November 13, 2013 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku in la kordhiyo ciidamada AMISOM lana gaarsiiyo 22,126 oo askari, halka ay hadda ka yihiin in ka badan 17,731 askari oo ka socda shan dal oo Afrikaan ah.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa kulan ay ku yeesheen Salaasadii New York waxay sidoo kale ku gaareen in la taageero ciidamada dowladda Soomaaliya si ay awood ugu yeeshaan sugidda ammaanka dalka oo dhan.

Sidoo kale, golaha ayaa isku raacay in bilaha soo socda lagu daad-gureeyo ciidamada lagu kordhiyo kuwa AMISOM, waxaana goluhu uu sheegay inay kordhiyeen howlalka Midowga Afrika uuna soconayo illaa 31-ka Oktoobar 2014-ka.

illaA Inkastoo aysan jirin dalal si ah looga dalbaday inay ciidamada dheeriga ah u diraan Soomaaliya ayaa waxaa haddana horay u sheegay inay ciidamo cusub u dirayaan Soomaaliya dallaka ay ciidamada hadda shaqeynaya ka joogaan Soomaaliya sida Uganda, Burundi iyo Kenya.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale isku raacay in 12-diyaaradaha qumaatiga u kaca ee dagaalka lagu taageero AMISOM si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab oo weli maamusha dhul ballaaran oo Soomaaliya ku yaalla.

Dhanka kale, golaha ammaanka ayaa isku raacay in dowladda Soomaaliya laga taageero dib u dhiska iyo qalabeynta ciidamada xoogga dalka, si ay awood ugu yeeshaan sugaan ammaanka guud ee Soomaaliya, maadaama ay hadda gacan ka helayaan kuwa AMISOM.

Tallaabada ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku gaareen in lagu kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Itoobiya in kumannaan askartiisa ah oo ku sugan Soomaaliya ay ku biirayaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankeeda soo dhaweysay go’aanka Golaha Ammaanka ay ku gaareen in la kordhiyo tirada AMISOM iyo in la taageero dib u dhiska ciidamada xoogga dalka.

“Waan soo dhaweynayaa waana uga mahadcelinayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay go’aankooda ku aaddan kordhinta ciidamada AMISOM iyo taageeridda kuwa dowladda Soomaaliya, taasoo noo sahlaysa inaan dib u dhisno ciidamadeenna xoogga,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saaray.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray: “Waxaan ku dhiirrigelinayaa UN-ka iyo dalalka aan saxiibbaha nahay inay gacan ka geystaan sidii qorshahaas uu u fuli lahaa, si awood ugu yeeshaan ciidamada dowldda iyo kuwa AMISOM in ay soo celiyaan ammaanka dalka oo dhan ayna cagta u mariyaan Al-shabaab oo caqabad ku ah ammaanka Soomaaliya.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay fursad u siinayso Soomaaliya in dib loo soo celiyo ammaanka, ayna u sahlanaato in dalka dib u dhis loogu sameeyo dhaqaalihiinna loosoo celiyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya