4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Nov 13, 2013
Wararkii ugu dambeeyey Khasaaraha ay Geysteen Roobab Dabeylo wata oo Gobollada Bariga Xiga ee Puntland (SAWIRRO)


Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada ayaa booqday qaar kamid ah deegaanada ay saameeyeen roobabkii duufaanta watey ee dhowrkii beri ee ugu dambeeyey ka da'ayey gobollada Bad-weynta Hindiya xiga ee ku yaal dhinaca bari ee Puntland.

Meelaha uu madaxweynuhu tegey waxaa kamid ah degmada Sunijiif, oo qiyaastii 60km degmada Garoowe dhinaca waqooyi-bari kaga beegan. Biyo uu heerkoodu sarreeyo islamarkaana xawaare badan ku socda oo degmadaas kusoo rogmadey ayaa jaray buundo Sunijiif waxyar ka durugsan.

Buundada go'day ayaa saameyn ku yeelatay isu socodka dadka iyo gaadiidka ee deegaanada Puntland. Gawaari badan oo ah kuwa xamuulka qaada ee gobollada dalka u kala goosha iyo qaar kale oo ay boqollaal rakaab ahi la socdaan ayaa ku xaniban degmooyinka Garoowe iyo Qardho.



Khasaaraha:


Wasiirka caafimaadka Puntland Cali C/laahi Warsame oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in tirada dhimashdu ay aad u korortay, isagoo sheegay in xilligan  dhimashadu ay ku dhowdahay 300 qof, boqollaal qof oo kalena la la'yahay.

Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in aan la xaqiijin karin baaxadda khasaaraha, maadaama ay jidadku xiran yihiin, deegaanada intooda badanna ay isgaarsiintu ka maqan tahay. Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Dangorayo, Bayla iyo Eyl oo ka kala tirsan gobollada Nugaal iyo Karkaar.

Sidoo kale duufaanta ayaa khasaare baaxad leh ka geysatey deegaanno hoos taga demooyinka Caluula iyo Xaafuun oo iyaguna ka kala tirsan Gobollada Gardafuuy iyo Karkaar. Dadka geeriyoodey iyo kuwa la la'yahay ayaa u badnaa xoolo-dhaqato, waxaa sidoo kale ay duufaantu dishay xoolo Ari iyo Geel isugu jira oo ka badan dhowr kun oo neef.

Deegaanada qaar waxaa aas-wadareed loogu sameeyey meydadka tobannaan kamid ah dadka geeriyoodey, kuwaas oo caruur, dumar iyo dad waayeel ah u badnaa.



Gurmadka:

Waxaa socda dadaallo xooggan oo loogu jiro sidii dadka ay duufaantu waxyeeleysay gurmad deg deg ah loogu fidin lahaa, in ka badan toban gaari oo sidey cunto, dhar, bacaha roobka celiya  iyo busteyaal ayaa ka baxay magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Inkasta oo deegaanada qaar gurmadku uu gaarey, waxaa hadana jira gaadiid badan oo kuwii mucaawimada sidey ah oo ay biyuhu xayireen iyo qaar kale oo dhiiri galay.

Dhinaca kale waxaa masjidyada waaweyn ka socda barnaamijyo tabarucaad loogu uruurinyo dadka ay musiibadu ku habsatey. Masjidka Al-rowda oo ah kan ugu weyn magaalada Booaaso waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey lagu uruuriyey in ka badan $150,000.




Wixii warar kasoo kordha dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya