4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 12, 2013
Xukuumadda Somalia oo Shaacisay inay Hal Milyan oo Doollar ugu deeqday Dadkii ay Dabeyluhu Saameynta ku yeesheen (SAWIRRO)


Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa galabta isugu yimidi shir aan caadi ahayn kaasoo looga hadlayay duufaanta ku dhufatay deegaanno ka tirsan Puntland, taasoo dhalisay khasaaro lixaad leh, waxaana shirkan guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Duufantan oo ku dhufatay deegaanno ku yaalla xeebaha Puntlanad ayaa ka burburisay deegaanno badan, waxaana sidoo kale ku dhintay boqolaal qof iyadoo lagu waaya xoolo fara badan, waxaana laga cabsi qabaa in illaa berri ay gaarto, iyadoo waxyeello xoogan u gaysatay dhul cabirkiisu yahay 700-km oo ku dherersan xeebaha, waxayna soo gaartay deegaanno ku teedsan laamiga isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Ra’iisul wasaare Saacid oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib ayaa xusay inay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoysaska dadkii ku dhintay dufaantaas, uguna baaqay beesha caalamka inay gurmad deg-deg ah la soo gaarto deeganada ay duufaantu ku dhufatay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh uga dirayaa qoysaska dadkii ku geeriyooday iyo kuwii xoolahoodu ku dhamaadeen dabaylaha iyo roobabka wata ee ku dhuftay dhul ballaaran oo ku  yaalla Puntland. Anigoo aad uga xun kuna hadlaya magacayga, kan xukuumadda iyo kan shacabka Soomaaliyeed waxaan diyaar la nahay inaan dhibka la qaybsano reer Puntland, xukuumad ahaan waxaan qayb weyn ka qaadanaynaa sidii loogu gurman lahaa dadka ku waxyeeloobay Dufaantaas,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan labo jeer xariir la sameeyey madaxweynaha Puntland si aan wax badan uga ogaado halka ay marayso xaaladdu. Damqashada naga haysa daraadeed waxaan galabta isugu nimid shir deg-deg ah oo aan uga xaajoonayno sidii gurmad loogu fidin lahaa shacabka dhibaatadu ku dhacday. Isagoo xusay duufaataas ay dowladda Soomaaliya u aqoonsan tahay musiibo Qaran, waana ka xunnahay inay sii socoto.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo faah-faahin ka bixinayay qaabka loo wajahayo masiibadan ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Soomaaliya ay kaalin muuqata ka qaadanayso dhibaatada dabiiciga ah ee ka dhacday Puntland.

“Duufaanta waxaa ka dhashay khasaaro aad u ballaaran taasoo ku dhufatay laga soo billaabo Laasqoray illaa Hobyo, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay in ay ku dhinteen 101-qof, waxay saamayn ku yeelatay dad gaaraya 50,000, illaa 5,000 oo ka mid ahna waxay ku go’doonsan yihiin deegaannada ay wax yeelaysay duufaanta, iyadoo laga cabsi qabo in khasaaruhu intaas kasii bato maxaa yeelay dad badan ayaa ku go’doonsan tuulooyin badan oo ku yaalla xeebta,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka.

Ugu dambeyn golaha wasiirrada ayaa kasoo saaray baaq ku aaddan beesha caalamka iyo ummadda Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibadda dalka inay gurmad deg-deg ah lasoo gaaraan dhibaatada ka dhalatay dufaantaas.

BAAQA GOLAHA WASIIRRADA:

1. In tacsi tiiraanyo leh loo diro dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka reer Puntland oo musiibadan ku habsatay.

2. In golluhu ku dhawaaqay waxaa meeshaas ka dhacay inay tahay musiibo Qaran, taasoo macanaheedu yahay inay waajib tahay in dowladda Somalia, shacabkeeda iyo beesha caalamku ay u gurmadaan dhibaatada ka dhacday meeshaas.

3. In wafti heer wasiir ah loo diro Puntland si ay u soo qiimeeyaan dhibka ay geysatay duufaantaas, loolana qaybsado dhibka soo gaaray.

4. In dowladda federaalka Soomaaliya ay ugu deeqday dadka dhibaatadu soo gaartay lacag gaaraysa $1,000,000 (Hal Milyan oo Dollar), iyadoo shacabka kale ee Soomaaliyeedna loogu baaqay inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan shacabka dhibaatadu ku dhacda.

5. Goluhu wuxuu isku raacay in la magacaabay guddi heer Qaran ah oo ka kooban

  • Wasiirka Arrimaha Gudaha
  • Wasiirka Maaliyadda
  • Wasiirka Adeegga Bulshada
  • Wasiirka Gaashaandhigga
  • Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho
  • Laba Xubnood oo ka mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed
  • Iyo Xubin ka mid ah Bulshada Rayidka ah

Guddigan ayaa waxay howshiisu noqonayaa inay abaabulaan kaalmooyinka ka imanaya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa iyo gudihiisa. Sidoo kalana waxay qaylo-dhaan gaarsiiyaan beesha caalamka sidii ay uga bixin lahayd jawaab deg-deg ah musiibada ka dhacaday Puntland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya