4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Madaxweynaha Somalia oo soo dhaweeyay Qorshaha Dhismaha Maamulka Gobolka Hiiraan oo heer Gabo-gabo ah maraya


Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo saaray caawa ku sheegay inuu soo dhaweynayo qorshaha dhismaha maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa intaas ku daray inuu ammaanayo saraakii ka socda wasaaradda arrimaha gudaha oo qorshahan dabada-ka-riixaya si looga hirgeliyo gobolka Hiiraan maamul ay shacabka gobolkaas ku nool soo doortaan.

“Waxaan muddo lix toddobaad ah ku sugan Balaweyne guddiga heerka sare ah oo ka socda wasaaraadda arrimaha gudaha Soomaaliya oo ku howlan sidii maamulka gobolka Hiiraan uu u yeelan lahaa maamul ay shacabku soo doorteen,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu guddigan iyo qaybaha kale ee arrintan kala shaqeynaya uu u hambalyeynayo, isagoo sheegay in tani ay horseed u noqon doonto in shacabka gobollada dalka ay soo doortaan maamul ay iyagu raalli ka yihiin.

“Hirgelinta federaalka waa howl dhib badan, balse waxaan naga go’an inaan u hirgelinno tallaabo-tallaabo iyo gobol-gobol. Waa jira loolanno adag oo ka horimaanaya fulinta howshan, balse waxaa naga go’an buu yiri in kuwaasoo dhan aan ka gudubno oo aan hirgelinno federaaliisimka,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh hadalkiisa ku daray.

Wafdi ka socda xafiiska madaxweynaha oo ay wehlinayaan xubno ka socda wasaaradda arrimaha gudaha iyo hay’ado samafal ayaa lagu sheegay warka inay gaaray Baladweyne si ay u indho-indheeyaan horumarka siyaasadeed ee laga gaaray dhismaha maamulka gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn, waxaa la sheegay in guddigan iyo ha’yadahu ay ka furayaan Baladweyne mashaariic lagu dhisayo biyo xireenno, dayactirka waddooyinka iyo dib u dhiska garoonka kubadda cagta ee Baladweyne.

Hadalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay bilihii lasoo dhaafay ka socdeen Baladweyne howlo lagu dhisayo maamulka gobolka Hiiraan, kaasoo ay shacabku kusoo dooranayaan maamul ay raalli ka yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya