4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Musharrax Cali Xaaji oo Beesha Caalamka ugu baaqay in gargaar deg-deg ah lala gaaro dadkii ku waxyeelloobay Duufaanta
M1550065.jpgTalaado, November 12, 2013 (HOL) - Musharrax Cali Xaaji Warsame oo kamid ah musharrixiinta u taagan xilka madaxtinimada ee dawlad goboleedka Puntland ayaa soo saaray baaq uu ku doonayo in gargaar bini'aadanimo oo degdeg ah la gaarsiiyo dadkii ay waxyeelladu kasoo gaartay daadadkii ku dhuftay deegaano kamid ah Puntland oo gaystay khasaare ballaaran.

Musharraxa ayaa sheegay in dhimashada marka laga soo tago in khasaare xoogleh uu gaaray wadooyinkii dadka loo marsiin lahaa gargaarka taasoo hoos u dhigtay dadaalladii ay samaynayeen dadka Puntland ee doonayay inay gargaarka gaarsiiyaan dadka ay dhibaatadu ku habsatay.

"Wadooyinkii waa burbureen, dadka meel wax loo marsiiyo malahan, waxaa loo baahanyahay in caalamku uu ka wada qaybqaato sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka ku xayiran goobaha aan wadooyinka lahayn" ayuu ku yiri shir jaraa'id oo uu goordhawayd ku qabtay magaalada Nairobi.

Musharraxa ayaa soo dhaweeyay gudigii ay xukuumada Puntland u saartay dadka ay ku habsadeen roobab duufaan watay oo dhaliyay dhimashada dad kor u dhaafaya boqol qof.

1470366_724181987609113_853483366_n.jpg
Madaxweynaha Puntland oo booqday mid kamid ah wadooyinka ku burburay fatahaada daadadka


"Xilligan lama joogo xilli la is eedeeyo amaba dagaal siyaasadeed la galo maamulka iyo musharrixiintu waa inay si isku mid ah ugu gurmadaan dadka ay dhibaatadu gaartay" ayuu ku yiri shirkiisa jaraa'id.

Musiibada ka dhalatay duufaanta iyo roobabka mahiigaanka ah ee ka da'aya Puntland ayaa dhaliyay khasaare lixaadleh taasoo keentay inay kumaanaan qoys oo ku noolaa magaalooyinka ku yaal waqooyi bari Soomaaliya ay ku guryo beelaan.

Inkastoo gargaar degdeg ah uu caalamku u fidiyay waddanka Philippine oo khasaarihii ugu badnaa ay duufaantan gaarsiisay ayaysan wali muuqan gacan uu caalamku ka gaystay dhinaca deegaanada Puntland ee wadanka Soomaaliya oo ay saamayn ku yeelatay duufaanta xooga badan ee gilgishay wadamo badan oo kulaala badweynta Hindiya.

Axmed C/samad,Hiiraa Online
[email protected]
Nairobi , Kenya