4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Hormuud Telecom Foundation & Jaamacadda Banaadir oo Dhakhtiir Gumad Caafimaad ah u diray Degmada Jowhar (SAWIRRO)


Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Munaasabad gurmad loogu dirayay dadka ay fatahaaduhu saameyeen ee deggen gobolka Shabeelada Dhexee gaar ahaan magaalada Jowhar laguna sagootinayay dhakhaatiir iyo arday wax ka barata jaamacadda Banaadir qaybteeda caafimaadka ayaa lagu qabtay Muqdisho.

Dhakhaatiirtan ayaa loogu talogalay inay ka qayb-qaataan gurmad caafimaad oo loo fidinayo dadkii ay sameeynta ku yeesheen fatahaadaha webiga Shabeelle uu ka geystay degmada Jowhar iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Mashruucaan ayaa waxaa abaabulkiisa iska kaashaday hay’adda Hormuud Telecom Foundation iyo ururka midowga ardeyda jaamacadda Banaadir ee loo yaqaano BUMSA.

Munaasabadda ayaa waxa aay ka dhacday xarunta Jaamacadda Banaadir, waxaana kasoo qayb-galay, madaxa hay’adda Hormuud Telecom Foundation, macalimiinta, maamulka aamacadda Banaadir, dhakhaatiirtii iyo ardaydii gurmadka caafimaad loogu diray Jowhar.

Hay’adda Hormuud Telecom Foundation oo ah qaybta u qaabilsan shirkadda isgaarsiinta hormuud dhinaca gargaarka bulshada iyo jaamacadda Banaadir ayaa waxay ugu talo-galeen dadka mashruucan ka faa’iideysanaya inay gaarsiiyaan daawooyin kala duwan maadaama ay cudurro dilaacaan markay fatahaaduhu dhacaan.

Madaxda Hormuud Telecom Foundation, Cabdullaahi Nuur Cismaan ayaa ka sheegay munaasabadda inay la garab taagan yihiin dhakhaatiirta fulinaysa mashruucan kaalmo iyo wixii tasiilaad ah ee aay u baahan yihiin, ayna iyaga ballan-qaadayaan dhammaan wixii kharashaad ah ee ku baxaya safarkan gurmadka caafimaad ah ee lagu caawinayo dadkii ay fatahaaduhu saameeyeen.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya