4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Turkiga oo Afar Doomaha dheereeya ah ku Wareejisay Maanta Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya

Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa maanta ku wareejisay wasaaradda gaashaandhigga afar doomood oo kuwa dheereeya ah kuwaasoo loogu talogalay inay ku howlgalaan ciidamada ilaalada badda ee Soomaaliya.

Xafladda wareejinta doomahan oo ah kuwo casri ah aya waxay ka dhacday gudaha dekedda Muqdihso iyadoo ay halkaas ku sugnaayeen xubno ka tirsan wasaaradda gaashaandhigga oo uu ku jiray mid ka mid ah wasiir ku xigeennada wasaaradda iyo mas’uuliyiin Turki ah.

Cabdul-axad oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda TIKA oo wakiil ka ahayd dowladda Tuirkiga oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in doonyahan loogu talo-galay ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya si ay u yaraadaan falalka burcad-badeednimada ah ee mararka qaarkood ka dhaca xeebaha Somalia.

Taliyaha ciidamada badda Somalia, Admiraal Faarax Axmed Cumar (Qare) oo isaguna xafladda hadal ka jeediyay ayaa ka sheekeeyay ahmiyadda  ay doonyahaan u leeyihiin howlgallada ciidanka badda, isagoo soo hadal-qaaday nidaamkii hore ee ciidamada badda Soomaaliya ay ku howlgeli jireen.

“Doonyahan oo kale ayaan lahaan jirnay oo ciidanka iyo hub culusba lagu qaadi jiray, laakiin maanta doonyahan wax weyn ayay noo yihiin maadaama aan xilligan haysan doonyo dheereeya oo aan kula dagaalami karno burcad-badeedda,” ayuu Faarax Qare.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Jen. Cabdirisaaq Khaliif Cilmi ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada badda Soomaaliya ay awood u yeelan doonaan difaaca xeebaha Soomaaliya ayna ka hortagaan khataraha ammaanka.

“Doonyahan waxaa rajeynaynaa in lagu xiro qalab iyo hub casri ah si ay u adkeeyaan ilaalinta xeebaha dalka, waxaan ka rajeyneynaa in ciidamada badda ay ku fulin doonaan doomahan howsha loogu talo-galay,” ayuu yiri abaanduulaha ciidamada xoogga dalka.

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenka gaashandhigga Somalia, Axmed Maxamed Carab ayaa uga mahad-celiyay dowladda Turkiga doorka ay ka qadanayso qalabeynta ciidamada Soomaaliya.

“Waxaa farxad weyn ah inaan maanta la wareegno afar doonyood oo aan doonayno inaan hub saarno, si loogu xoojiyo ilaalinta xeebaha Somalia, waxaana hubaa in tani ay wax weyn ka tari doonto ilaalinta iyo difaacidda xeebaha Soomaaliya,” ayuu yiri Axmed Carab.

Doomahan ay dowladda Turkiga ugu deeqeen ciidamada badda Soomaaliya ayaa qayb ka ah heshiiskii horay u dhexmaray wasaaradaha gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo ku qotomay tababaridda iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya