4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Maamulka KMG ah ee Jubba oo soo Ban-dhigay Dhallinyaro ku eedeeysan in ay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab (SAWIRRO)


Talaado, November 12, 2013(HOL) :- Saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo ayaa maanta lagu soo bandhigay ilaa afar dhalinyaro oo ku eedeysnaa in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab iyo weliba waxyaalo kale oo la sheegay in ay yihin walxaha qaraxyada loo isticmaalo.

Taliyaha saldhigga dhexe ee Degmada Kismaayo Max'ed Buulle Sugoow oo warbaahinta kula hadlay gudaha saldhigga ayaa sheegay in sedexdan dhalinyaro ay ka tirsanayeen Al-shabaab, wuxuuna xusay in sidoo kale ay ku soo qabteen waxyaalo kamid ah kuwa loo isticmaalo qaraxyada.

"Raggan aad u jeedaan waxaan kusoo qabannay howlgallo aan maalmihii ugu danbeeyay ka sameyneynay gudaha magaalada Kismaayo, qaar kamid ah waxay qirsanyihiin in ay shabaab ka tirsanaayeen," ayuu yiri Taliyaha oo warbaahinta la hadlayay.

Dhalinyaradan ku eedeysan in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab ayaa imika ku xiran saldhigga dhexe ee degmada Kismaayo.

Taliyaha Saldhigga ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan howlgallo ay ka wadaan xaafadaha kala duwan ee Kismaayo, kuwaasoo uu xusay in ay ku baadi goobanayaan kooxo uu sheegay in ay ku howlanyihiin qalqal gelinta ammaanka.


Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya