4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Xarakada Al-shabaab oo sheegtay in Raggii qaaday weerarkii Westgate Mall ay ku Dhinteen gudaha Xaruntaasi Ganacsiga

Talaado, November 12, 2013 (HOL) - Website ay leedahay kooxda Alshabaab ayaa lagu soo bandhigay warbixin ballaaran oo looga hadlayo weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate kaasoo la aaminsanyahay inay ku dhinteen dad ka badan 70 qof.

Alshabaab ayaa sheegtay in ragga weerarka qaaday ay xubno ka ahaayeen qaybta naftood hurayaasha ah ee kooxdu ay leedahay.

"Ragga weerarka qaaday waxay ahaayeen walaalo si iskood ah isugu xilqaamay inay galaan gudaha cadowga oo ay khasaare gaarsiiyaan ka hor intii aan cadowgu dilin" ayaa lagu yiri warbixinta ay soo saartay Alshabaab.

Alshabaab ayaa beenisay in raggii weerarka qaaday ay isku dayeen inay goobta ka baxsadaan iyagoo wax lala yaabo ku tilmaamay hadal uu horay u jeediyay taliyaha ciidamada militariga Kenya Julius Karangi oo sheegay inay doonayeen kooxda weerarka qaaday inay baxsadaan.

“Karangi wuxuu isku dayay inuu ka been sheego mujaahidiin doonayay inay naftooda huraan isagoo sheegay in ragga weerarka qaaday ay doonayeen inay baxsadaaan” ayay sii raaciyeen warbixinta.

Warbixinta ay Alshabaab kaga hadashay qaabkii loo fuliyay weerarka ayaa waxay xiganaysaa Sheekh

Cali Maxamuud Raage oo ah afhayeenka Alshabaab kaasoo ku sheegay warbixinta in wixii ka dhacay Westgate uusan ahayn dagaal ee uu ahaa kaliya farriin loo dirayay dawlada Kenya.

“Westgate wixii ka dhacay ma ahayn dagaal waxay ahayd farriin, laakiin dagaalka runta ah hadda ayuu soo socdaa" ayuu yiri Sheekh Cali Raage.

Qirashada Alshabaab oo noqonaysa tii ugu horraysay oo muujinaysa in raggii weerarka qaaday ay ku dhinteen goobtii dagaalka ayaa waxay meesha ka saaraysaa warar horay ay warbaahintu u tabisay oo sheegayay in kooxdii weerarka qaaday ay baxsadeen.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya