4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Nov 12, 2013
Xulka kubadda cagta dalka Itoobiya oo lugtii ugu dambeysay Isreeb-reebka Koobka Adduunka la yeelanaya Sabtida Xulka Nigeria


Talaado, November 12, 2013 (HOL) — Xulka Qaranka dalka Itoobiya ayaa lugtii ugu dambeysay ciyaaraha is-reeb-reebka koobka Adduunka ee Qaaradda Afrika la yeelanaya xulka Qaranka dalka Nigeria maalinta Sabtida ah ee soo socota oo ay bishan ku beegan tahay 16-ka. 
 

Xulka Itoobiya ayaa la filayaa inay maalinta Khamiista ah gaaraan Nigeria oo ay ka dhacayso ciyaarta, iyadoo tababaraha xulka dalka Itoobiya uu sheegay inay aad ugu diyaar-garoobeen ciyaartaas ayna rajeynayaan inay guul kasoo hoyaan.

 “Waxaa magaalada Calabar ee dalka Nigeria gaaray wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee xiriirka kubadda Itoobiya, Yigsaw Bezuayehu halkaasoo ay Sabtida soo socota ka dhici doonta ciyaarta,” ayay mas’uuliyiinta xiriirka kubadda cagta Itoobiya u sheegeen shabakadda Super Sport oo ciyaaraha ka faalloota.

Madaxweynaha xiriirka kubadda Cagta Itoobiya, Junedin Bashah ayaa wuxuu isaguna u sheegay isla shabakadda supersport.com in xulka ay horay u sii raaci doonaan taageerayaal Itoobiyaan ah si ay niyadda ugu dhisaaan xulka Itoobiya.

“Taageerayaasheennu waa kuwo la doonayo in xulka ay niyadda u dhisaan, maadaam ay dal aan kooda ahayn ay ku ciyaarayaan; dhab ahaantiina waa ciyaar aad muhiim noogu ah,” ayuu yiri Junedin Bashah.

Xulka dalka Itoobiya ayaa haddii uu ciyaartan ku adkaado wuxuu noqonayaa xulkii ugu horreeyay oo ka socda dalalka Bariga Afrika oo ka qayb-gala ciyaaraha koobka Adduunka oo lagu qabanayo sannadka soo socda 2014-ka dalka Baraasiil.

Maalinta Sabtida ah ayaa la sheegay in shacabka Itoobiya ay ciyaartan kama dambeysta ah ka daawan doonaan goobaha la isugu yimaado sida baararka waaweyn, iyadoo ciyaartuna ay dhici doonto 9:30 aroornimo xilliga bariga Afrika.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya