4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2013
Xukuumadda Soomaaliya oo Sheegtay inay si Diirran u soo Dhaweynayso in Ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan AMISOM


Isniin, November 11, 2013 (HOL) — Wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa sheegtay in xukuumadda Soomaaliya ay soo dhaweynayso haddii ay ciidamada Itoobiya ku biirayaan kuwa AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.

Fowziya oo wariyeyaasha kula hadlaysay Nairobi ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid ay aad ugu farxayaan, maadaama ay ciidammo badan oo ka socda dalka Itoobiya ay ku sugan yihiin Soomaaliya ayna qayb ka yihiin howl-galka lagula dagaalamayo Al-shabaab.

"Xukuumada Soomaaliya iyo Itoobiya waa kuwo cusub oo jaar ah, waana la og-yahay wixii ay u qabteen Somalia, waxaa la socotaa in wasiirka arrimaha dibadda  dalka Itoobiya uu dhex-dhexaadiye ka ahaa heshiiskii ay Itoobiya ku kala saxiixdeen dowladda Somalia iyo maamulka KMG ah ee Jubba," ayay tiri wasiirrdda.

Sidoo kale, wasiiradda ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay gacan weyn ku lahayd in heshiiskaas uu noqdo mid hirgala, maadaama ay dhowr jeer ku sigteen dhinacyadu ay ku kala kacaan fadhiga, kaddib khilaafyo soo dhex-galay.

"Itoobiya tii hore ma ahan waa mid cusub oo Somalia garab-taagan, haddii caalamka ku caawinayaan dhaqaalaha muddada dheer ay soo wadeen waa soo dhaweyneynaa," ayay mar kale tiri Fowziyo.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalagn uu ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay ka mid noqonayaan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM si loo xoojiyo dagallada lagula jiro Al-shabaab.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa hadalkan sheegay kaddib kulan dhexmaray isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Kenya, William Ruto, iyadoo Kenya ay ku tilmaantay go’aankaas mid farxad leh, maadaama Al-shabaab ay tahay bay yiraahdeen koox cadow ku ah dalalka gobolka oo dhan.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ayaa soo galay horraantii 2011, iyagoo Al-shabaab ka saaray magaalooyin ay ka mid yihiin Baladweyne iyo Baydhabo, kuwaasoo saldhigyo waaweyn ay ku lahayd Al-shabaab.

Arrintan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli dhawaan ururka Midowga Afrika uu ka dalbaday Golaha Ammaanak ee Qaramada Midoobay in tirada AMISOM la kordhiyo lana gaarsiiyo 24,000 oo askari, halka ay hadda ka yihiin 17,600 oo askari.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya