4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2013
Xildhibaan Nuur Iidow Bayle oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay qorshaha Doorashada Maamulka Gobolka Hiiraan

Isniin, November 11, 2013 (HOL) — Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle oo todobaadyadii ugu dambeeyayna ku sugnaa magaalada Beledweyne oo u waramay HOL  ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay qorshaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan ee laga wado magaalada Beledweyne.

Xildhibaanka ayaa sheegay in gogasha ama shirka doorashada maamul gobolka Hiiraan si rasmi ah loo furay 15/10/2013 oo laga joogo mudo 26 cisho ah, waxaana si rasmi ah shirka u furay sida uu hadalka u dhigay wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka oo mas’uuliyiin ka tirsan ku sugan yihiin magaalada Beledweyne.

Mar ay HOL weydiisay haddii ay jiraan caqabado ka hor yimid habsami u socodka shirka waxaa uu yiri’’ Marka hore waxaan rabaa in aan kuu sheego wasaarrada arrimaha gudaha, maamulka hadda ka jira gobolka iyo xildhibaannada ka soo jeeda gobolka Hiiraan qeyb ayeey ka wada yihiin la socoshada howlaha la xiriira doorashada maamulka gobolka Hiiraan iyo sida ay wax u dhacayaan, sidaa daraadeed waxa hakadka keenay waxaa la oran karaa waa labo arrimoood oo kaliya marka leysku soo duubo. Tan hore waa wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka oo aan soo dhameystirin ikaaniyaadkii shirka lagu socodsiin lahaa, imkaaniyaad marka aan ku leeyahay waxaa soo gallaya dhaqaallihii shirka lagu socodsiin lahaa, ammniga oo loo baahan yahay in siweyn loo adkeeyo iyo guud ahaan wax kasta oo fududeynaya habsami u socodka shirka. Arinta labaad ee aan is leeyahay shirka hakad ayuu u gallayna waa xildhibaannadii ka soo jeeday gobolka oo aan ku soo wada dhameystirmin magaalada, waa intaa oo kaliya wax kale ma jiraan,’’ ayuu yiri xildhibaan Nuur Iidoow.

Waxaa uu sheegay in bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan looga baahan yahay in ay xoojiyaan taageerada ay siinayaan shirka oo noqonaya 23 sano kadib markii ugu horeysay oo shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay soo doortaan maamul u gaar ah oo aan dusha looga keenin.

“Qorshahan socda ee maamul sameysashada waxaa is leeyahay fursad ayeey u tahay bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo markii ugu horeysay sameysanaya maamul ay iyaga soo doorteen oo aan dusha looga keenin, waxaana is leeyahay waxaa ay tusaale u noqon doonaan Soomaalida inteeda kale, sidaa daraadeed waxaan ku boorinayaan in ay taageeradood muujiyaan,'' ayuu yiri Nuur Iidoow Beylle.

Dhinaca kale, wuxuu baaq u dirray mas’uuliyiinta ugu sareysa dowladda Soomaaliya oo uu ka dalbaday in ay xoojiyaan socodsiinta shirka maamul sameysashada gobolka Hiiraan iyaga oo si dhaw ula soconaya hanaanka shirka uu u socdo, waxna ka qabtaan caqabadaha jira.

Xildhibaan Nuur Iidoow Beylle oo ka mid ah xildhibaano ka tirsan baarlaamaanka Soomaaliya oo todobaadyadii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Beledweyne ayaa siweyn ugu howlan dib-u-hishiisiinta beelaha colaadu u dhaxeyso ee ku dagaallamay qeybo ka mid ah gobolka iyo la socoshada howlaha la xiriira dhismaha maamul ay soo doortaan shacabka ku dhaqan gobolka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya