4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2013
Carruurta Soomaaliyeed ee ugu Badan ee aan Haysan Wax-barashada oo la sheegay inay ku nool yihiin Bay iyo Bakool (SAWIRRO)


Isniin, November 11, 2013 (HOL) — Caruurta ugu badan oo aan haysanin waxbarashada ayaa la sheegay inay ku nool yihiin gobollada Bay iyo Bakool gaar ahaan deegaannada miyiga ah, iyadoo aad arkeysid caruur badan oo ku ciyaaraya deegaannada ay ku nool yihiin, halkii ay wax ka baran lahaayeen.

Inkastoo qaarkood u hayaamayaan magaalooyinka waaweyn si ay shaqo ugu helaan sida caseyonimada iyo shaqooyin kale, haddana tuulooyinka ay ka jirto waxbarsaho la’aanta ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Goof-Gaduud Shabeelow oo ka kooban 12 tuulo oo kala ah: Goorisane, Manaas, Buulo-Barako, Hagarka, Aliyow Mareer, Tigow, Robey-Gaduud, Buurey, Mannaas, Baanow, Abees-garwaale, Abees-Eemed, Goof-yarow, Gooyaale, Gelda, Kaayow, Goof-Gaduud Buureey, Haween, Saddex Wakaabood, Lafaale iyo kuwo kale.

Waxaa kaloo aan habayaraatee aysan waxbarasho ka jirin qaybo fara badan oo ka mid ah gobolka, iyadoo magaalada Xudur uusan ka jirin dugsi sare 22-kiis sano ee lasoo dhaafay.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaa jira arday badan oo uga tagay waxbarashada markii ay iska bixin waayeen kharashaadka lagu dhigto iskuullada, kuwaasoo aad ku arkeysid iyagoo dhexmaraya gudaha magaalada in badan oo ka mid ahna ay isku bedeleen inay noqdaan dhallinta kabaha caseeya, kuwana ay billaabeen inay garaashyada ka shaqeeyaan. Waxaa kaloo jira barakacyaasha xarooyinka ku jira oo aan haysan wax-barasho.

Hay’ado badan oo ay ka mid tahay UNICEF ayaa xilliyadii hore gacan ka siin jiray shacabka ku nool gobollada Bay iyo Bakool inta aysan dowalddu hadda la wareegin howsha waxbarashada iyadoo dowladdu aysan wax badan weli ka qaban howsha waxbarashada gobolka.

Dowlada Soomaaliy ayaa tababarro siisay macalimiin gaaraya 100 kuwaasoo loogu talogalay inay wax ka dhigaan iskuullo ay dowladdu sheegtay inay ka hirgelinayso gobollada Bay iyo Bakool, kuwaasoo qayb ka ah barnaamijka AADA DUGSIYADA.


Baydhabo, Hiiraan Online