4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2013
Roobab Shaki dhaliyay oo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka da’ay guud ahaan Deegaannada uu ka kooban yahay Gobolka Sool

Isniin, November 11, 2013 (HOL) — Roobab cabsi keenay ayaa ka da'ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay guud ahaan deegaannada gobolka Sool, kuwaasoo sababay in dad badani ay ka barakacaan goobihii ay deeganaayeen.

Roobabkan oo weli da'aya guud ahaan gobolka ayaan geysan wax khasaare ah sidoo kalena ma ahan kuwo wata dabeylo, waxase taagan walaac iyo cabsi xoog leh oo salka ku haysa inay yimaadaan roobab ka awood badan.

Cabsidan ayaa ka dambaysay kaddib markii warbaahinta lagu baahiyay inay jiraan digniino la xiriira duufaanno kasoo tallaabaya bad-weynta Hindiya.

Dadka reer guuraaga ah ayaa laga fogaynayaa dooxooyinka iyo dhulka hoos u qodan si looga samata-bixiyo haddii ay timaado digniinaha laga cabsi qabo oo deegaanno ku yaalla Puntland ku dhuftay.

Wararkii ugu dambeeya ee laga helayo degaannada kua yaalla Bariga Sool ayaa sheega in marba marka ka dambaysa ay soo xoogaysanayaan roobab halkaas ka da’aya.

Waa markii ugu horreysay ee dadku si isku mid ah ay ugu diyaar garoobaan haddii ay timaado in sida la sadaalinayo ay soo tallaabaan roobabka wata dabeylaha oo haatan laga sheegay xeebaha Badweynta Hindiya.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool