4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2013
Baarlamanka Soomaaliya oo ka doodaya ajande ku saabsan la xisaabtanka Hay’adaha Amniga iyo Milkiilayaasha Hoteellada

Isniin, November 11, 2013 (HOL) — Ajandayaasha baarlamaanka Somalia uu ka dooday ayaa lagu daray la xisaabtanka hay’adaha ammaanka dalka iyo milkiilayaasha hoteellada, si nabad u helaan xildhibaannada iyo xubnaha kale ee dowladda ka tirsan.

Qodobkan ayaa la sheegay in baarlamaanku uu ka dooday maalmaha soo socda, iyadoo kulammada looga hadlayana ay noqonayaan kuwo albaabbadu u xiran yihiin sida ay sheegeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.

“Baarlamaanka ajandayaasha uu kal-fadhigan ka doodi doono waxaa ka mid noqon doona la xisaabtanka hay’adaha amniga dowladad iyo milkiilayaasha hoteellada Muqdisho, waxaana fikirkan soo jeediyay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka,” ayay yiraahdeen dhowr mudane oo warbaahinta la hadlay.

Hadalkan ayaa wuxuu soo baxayaa xilli laba habeen ka hore lagu weeraray hoteelka Maka Al-Mukarama qaraxyo ay mas’uuliyadooda sheegatay kooxda Al-shabaab, kuwaasoo ay ku dhinteen dhowr qof kuwo oo uu ku jiray mid ka mid ah xildhibaanada baarlamaankana uu ku dhaawacmay.

Arrintan ayay xildhibaannadu ku sheegeen inay tahay mid hoos u dhigi karta khatarta ka imaanaysa Al-shabaab, inkastoo aan la ogeyn go’aankan wuxuu ku qasbi doono milkiilayaasha hoteellada Muqdisho.

Inta badan mudanayaasha baarlamaanka iyo xubnaha kale ee dowladda ayaa daggan hoteello, iyagoo qaarkood ay guryo ku leeyihiin Muqdisho, balse ay uga baqayaan in kooxo ka tirsan Al-shabaab ay ku soo beegsadaan.

Dhanka kale, Xarakada Al-shabaab ayaa uga digtay milkiilayaasha hoteellada Muqdisho inay hoteelladooda ka kireeyaan xubnaha dowladda ka tirsan, iyagoo sheegay in taasi ay keeni karto in hoteelladooda la beegsado.

Milkiilayaasha hoteellada Muqdisho ayaa waxay la mid noqodeen digi labada dhinac ka gubanaya, iyadoo aan la ogeyn go’aanka ay qaadan doonaan si ay badbaado ugu helaan hoteelladooda iyo hantidooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya