4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 11, 2013
Ciidammo ka tirsan AMISOM ah oo la kala dhex-dhigayo beelo uu dagaal ku Dhex-marayo Duleedyada Degmada Jowhar

Isniin, November 11, 2013 (HOL) — Ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa al sheegay in la dhex-dhigayo beelaha ku dagaalamaya deegaannada ku dhow degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Arrintan ayaa kasoo baxday kulan dagaallada ka socda Shabeellada Dhexe looga hadlayay oo Muqdisho ka dhacay iyadoo sidoo kale la sheegay in shir loogu qabanayo beelahan magaalada Muqdisho.

“Waxaa la isku raacay in marka hore xabbada la joojiyo, in ciidammo ka socda AMISOM la geeyo deegaannada lagu dagaalamay si ay kooxaha uu dagaalku u dhexeeyo u dhex-galaan iyo in shir dib u heshiisiin ah loo qabto beelahan,” ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar Caymoow oo ka mid ahaa xildhibaanno la kulmay wasiirka arrimaha dibadda.

Xildhibaanka oo ka hadlayay sababta keentay in ciidamada dowladda loo dhex-dhigi waayay beelahan dagaalamaya ayaa sheegay in in qaar ka mid ah ciidamada dowladda ee gobolkaas ku sugan ay la safteen dhinacyada dagaalamay dhinac ka mid ah.

Dagaallada ka socda daafaha degmada Jowhar ayaa weli halkaas ka socda, iyadoo ay ku dhinteen inta la og yahay afartameeyo qof, halka tiro intaas ka badanna ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Odayaal iyo waxgarad kasoo jeeda gobolka oo doonayay inay isku dayaan in dagaalladaas ay joojiyaan ayaa sheegay in kooxaha dagaalamaya ay rasaas ku fureen ayna natoodu khatar gashay, iyagoo sheegay inaysan awood u lahayn inay dagaalladaas joojiyaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo kulan ka dhashay Muqdisho shalay ka hadlay ayaa dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay inay dagaalka joojiyaan ayna isugu yimaadaan wadahadallo si ay ugu dhameeyaan khilaafkooda wadahadal iyo nabad.

Colaaddan oo salka ku hayso muran dhul beereed ayaa waxay sababtay in la gubo tuulooyin fara badan oo ay beelahan qaarkood degi jireen, iyadoo uu noqonayo dagaalkan kii ugu xumaa ee beelahan dhexmara.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya