Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed oo Muqdisho ka furtay Xarun Taageerana u Muujiyay Xukuumadda Somalia (SAWIRRO)
Talaado, May 21, 2013 (HOL) — Kulan ay salaadiinta Soomaaliyeed maanta ku
yeesheen Muqdisho ayaa lagu furay xarun cusub, iyadoo sidoo kalena ay goluhu
taageero u muujiyeen xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare
Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo mooshin laga geeyay baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin
ka socday gobolka Banaadir, guddoomiyaha degmada Howlwadaag, siyaasiyiin, aqoonyahanno,
salaaddiin iyo dadweyne lagu casuumay, iyadoo mas’uuliyiintii kulankaas ka
qaybgalay ay soo dhaweeyeen xarunta cusub ee golaha salaadiinta Soomaaliyeed ay
ka furteen magaalada Muqdisho.
Mas’uuliyiin u hadlay dowladda Soomaaliya
ayaa ballanqaaday inay si hoose ula shaqeyn doonaan golaha salaaddiinta Soomaaliyeed
ee fadhigoodu yahay Muqdisho, iyadoo ka dalbaday inay dib ugu soo celiyaan shanti
qaybtooda ee ay ka kooban tahay Soomaaliya, isla markaasna ay dadaal u galaan
sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha golaha salaaddiinta Soomaaliya,
Boqor Faarax Cabdi Guure, ahna boqorka beesha Jareerweyne oo xafladda ka hadlay
ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen nabdeynta Soomaaliya, ayna la fariisanayaan qeybaha
kala duwan ee Soomaalida oo uu sheegay inay ka dhaadhicin doonaan inay ka
shaqeeyaan sidii nabadda dalka loo sugi lahaa.
Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu mooshinka
ka dhanka ah ra’iisul wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa ayaa sheegay in xildhibaannada
looga baahan yahay in fikirkooda keliya uusan noqon wax dumin, balse uu noqdo
mid ay wax ku dhisayaan, dalkana ay u horseedaan nabad iyo xasilooni waarta.
“Xukuumaddu waxay jirtaa muddo lix bilood
ah, mana wanaagsana in hadda laga keeno mooshin, waayo xukuumad kasta marka ay
jirto muddo kooban haddii mooshin laga keeno ma dhacayso inay wax qabsoomaan,”
ayuu yiri Boqor Faarax.
Ugu dambeyn, guddoomiyaha salaadiinta Soomaaliyeed
wuxuu tilmaamay in ummadda Soomaaliyeed ay deeqdo nabad oo keliya loona baahan yahay
in laga shaqeeyo sidii ay nabaddaas ku hirgeli lahayd, isagoo dowladda Somalia
ugu baaqay inay ku garab-istaagaan howlaha nabadeynta ah ee salaadiiintu ay wadaan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya