4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 17, 2013
Xildhibaanadii ugu Tirada badnaa ee kasoo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool oo Safar ku tagay Magaalada Baydhabo


Axad, Maarso 17, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay ayaa waxaa shalay booqasho ku tagay xidhibaannadii ugu tirada badnaa tan iyo markii ay dowladdii KMG ahayd kasoo guurtay degmadasa sannadkii 2008, iyadoo xildhibaannada ay la kulmi doonaan waxgaradka, maamulka iyo shacabka ku nool gobolka Bay.

Xildhibaanadan oo uu hoggaaminayo Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxay dageen hoteelka Bakiin ee magaalada Baydhabo, iyadoo lagu wado inay maanta oo Axad ah billaabaan kulammada ay la leeyihiin dhinacyada kala duwan ee bulshada.

Gobolka Bay ayaa wuxuu ka mid yahay degmooyinka ay inta badan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaana socdaalkoodan uu qayb ka yahay sidii maamul ay gobollada Bay iyo Bakool ku mideysan yihiin loo sameyn lahaa.

“Mudanayaasha magaalada soo gaaray waa 26 xildhibaan, haddana nooma cadda qorshaha rasmiga ah ee ay u yimaadeen, balse waxay marka hore u kuurgeli doonaan xaaladda ammaan ee degmada iyo deegaannada kale ee gobolka uu ka kooban yahay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Bay oo la hadlay warbaahinta.

Xildhibaannadan ayaa waxay dhammaantood kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool iyadoo socdaalkoodan uu imaanayo xilli kalfadhiyadii baarlamanka ay dib u furtmeen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka oo ka mid ahxildhibaannada kasoo jeeda Bay iyo Bakool uu isaguna ku biiri doono dhawaan xildhibaannada tagay Baydhabo.

Socdaalka xildhibaannadan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay ciidammo ka tisran dowladda gadood ka sameeyeen degmada Baydhabo, kuwaasoo ka cabanayay mushaar la’aan iyo iyadoo xilliyada habeenkii ah ay Al-shabaab soo weerarto qaybo ka mid ah degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya