4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2013
Qarax Khasaare kala duwan Sababay oo ka dhacay Deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeellada Hoose

Jimco, Maarso 15, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof oo mid uu ahaa askari ka tisran ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay qarax gellinkii dambe ee maanta ka dhacay suuqa deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaraxan oo ahaa mid ka dhashay bamgacmeed lagu weeraray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo marayay gudaha suuqaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay saddex qof oo kale, kuwaasoo dhammaantood shacab ahaa.

“Weerarka waxaa geystay kooxo markiibta goobta ka baxsaday, waxayna ku dileen askari ka tirsan ciidamada dowladda oo dukaan wax ka iibsanayay iyo qof rayid ah oo ku sugnaa meel ku dhow dukaanka, waxaana sidoo kale ku dhaawcmay weerarka saddex qof,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka Shalaanbood.

Ciidamada dowladda ee ku sugan deegaanka ayaa rasaas furay qaraxa kaddib balse ma jirto cid wax ku noqotay, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku eedeeyay weerarkaas Xarakada Al-shabaab oo sannadkii hore ay AMISOM iyo ciidamada dowaldda oo iskaashanaya kala wareegeen deegaankaas iyo kuwo kale oo ay ka mid tahay degmada Marko.

Dhaawacyadii ka dhashay weerarka bambaano ayaa loo qaaday Marko si halkaas loogu daweeyo, waxaana deegaanka uu kusoo laabtay cadi kaddib qaraxa iyadoo aanay jirin cid loo qabtay weerarkaas.

Xoogagga Al-shabaab ayaa inta badan la beegsada saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iy kuwa AMISOM ee ku yaalla degmooyinka ay ka mid tahay degmada Marko ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya