4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 15, 2013
Todobaatan ka mid ah Wakiillada doorashooyinka Puntland oo lagu dhaariyay Xarunta Puntland ee Garoowe (SAWIRRO)


Jimce, Maarso 15, 2013 (HOL)- Waxaa magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland lagu dhaariyey shalay 70 ka mid ah wakiillada guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland.

Wakiilladan oo ka kala socda gobollada Bari, Sanaag, Haylaan iyo Karkaar ayaa isla shalay waxaa usoo gaba gaboobey aqoon is-weydaarsi ku aadan shaqadooda oo muddo saddex maalmood ah u socdey.

Xubnahan oo isugu jira wakiillada gobolada oo ah 12 iyo 58 xubnood oo metelaya degmoyinka, waxaa dhaariyey mid kamid ah garsoorayaasha maxkamadda sare ee Puntland.

Waxaana dhaarta kaddib la dardaarmay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee Puntland Prof. Maxamed Xassan Barre, isagoo sheegay in ay xil culus qaadeen.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu wakiilladda ku booriyey in ay si wanaagsan uga soo dhalaalaan howsha loo diray oo ah sida uu tilmaamay mid karti, dulqaad iyo dadaal dheeri ah u baahan.

Wakiillada gobollada kale ee dhiman ayaa iyagana la filayaa in  todobaadka soo socda la dhaariyo, iyadoo ay dhiman yihiin gobollada Nugaal ,Mudug ,Sool iyo Cayn.

Tallaabadan ayaa ah tii ugu horeysey ee uu guddiga doorashooyinku qaaday kaddib markii uu si rasmi ah u aqoonsaday 6-da urur siyaasadeed ee ku tartami dona doorashada goleyaasha deegaanka, kuwaas oo kala ah: Midnimo, Horseed, Hor-cad, UDAD, iyo PDP.




Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya