4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 8 , 2013
Xisbi ka mid ah axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jira oo dowladda Somalia ku eedeeyay Wax-qabad la’aan (SAWIRRO)


Isniin, July 08, 2013 (HOL) — Xisbi ka mid ah xisbiyada siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay waxqabad la’aan halkii sano ee ay jirtay, waxaana hadalkan sheegy guddoomiyaha xisbiga Dadka, Saciid Ciise Maxamuud oo maanta shir jaraaid ku qabtay Muqdisho.

Guddoomiyaha oo kasoo laabtay safar uu muddo ugu maqnaa Mareykanka ayaa sheegay sheegay in dowlada Soomaaliya aysan sannad kaddib qaban waxyaabo badan oo ay ballan-qaaday markii ay xilka qabanaysay.

“Hal sano ka hor markii dowladda hadda jirta ay xilka qabaneysay waxaa rajo wanaagsan laga qabay inuu dalka ka dhici doono isbedel la taaban karo, balse sanad kaddib waxaad moodaa in rajadaas ay soo gaabatay,” ayuu yiri guddoomiyaha xisbiga Dadka oo intaa ku daray in dowladda Somalia ay ku guul-dareysatay in soo celiso adeegyadii asaasiga ahaa ee bulshada oo ugu horreeyo amniga.

Guddoomiyaha xisbiga Dadka ayaa sidoo kale sheegay in hal sano kaddib ay weli dowladdu ku taagan tahay ciidammo shisheeye, aysanna wax badan ka qabanin dib u dhiska ciidamada ammaanka iyo kuwa xoogga si dowladdu ay ugu tiirsanaato ciidamadeeda, isagoo tilmaamay in ciidamada dalka jooga ay maalin maalmaha ka mid ah dib ugu laaban doonaan dalalkooda.

“Sida dimuquraadiyaddu sheegayso dowladda waxaa laga rabaa inay la timaaddo hab wanaagsan oo ay kula dhaqanto mucaaradkeeda, kuwa hubka wata iyo kuwa aan hubka wadan, haddii aysan mucaaradkeeda si wanaagsan ula macaamilin kuma dhaqmayso dimuqraadiyad,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Dhanka kale, Saciid Ciise wuxuu sheegay in xiisadaha ka taagan magaalada Kismaayo ay ceeb weyn ku keentay dowladda Somalia, dowladduna ay kari weysay inay xal waara u hesho, isagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya xisbigiisu uu noqon doono mucaarad ka hadla waxyaabaha dowladdu ay ku marin habowday iyo qaladaadka ay ku jirto.

“Waxyaabaha aan dalka ugu soo laabtay waxaa ugu weyn inaan tilmaanno wixii ka khaldan dowladda, wadatashi badan ayaanu sameynaynaa, dad badan ayaa fikirkaas nala wadaaga oo meelo kala duwan jooga xogtooda ayaan ururinaynaa,” ayuu intaa ku daray Saciid Ciise.

Guddoomiyaha xisbiga Dadka ayaa wuxuu ka mid ahaa murashaxiintii xilka madaxnimo kula tartamay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo isaguna markaas ka mid ahaa hoggaamiyeayasha xisbiyadii dalka ka jirtay.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya