4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 24, 2013
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somalia oo kusoo laabtay Muqdisho kana war-bixiyay safarradiisii Itoobiya iyo Kenya (SAWIRRO)


Axad, Feberaayo 24, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayay oo toddobaad ka badan safarro ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Kenya.

Prof. Jawaari ayaa sheegay in safarkii uu ku tagay dalka Itoobiya uu ahaa mid si wanaagsan kusoo dhammaaday, isagoo sheegay inay casuumaad ka heleen guddoomiyaha baarlamaanka Kenya ayna booqadeen magaalada Jigjiga ee deegaanka Soomaalida Itoobiya.

“Muddo toddobaad ah ayaan booqasho ku gaarnay dalka Itoobiya, innagoo marti-qaad ka helay guddoomiyaha baarlamanka dalkaa, intii aan halkaas ku sugnayn waxaan is-dhaafsanay fikrado ku saabsan sidii labada baarlamaan ay u wada-shaqeyn lahaayeen,” ayuu Prof. Jawaari ku sheegay shir jaraa’id oo uu saxaafadda ugu qabtay qolka martida ee garoonka diyaadaha ee Adan Cadde.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay sidoo kale booqasho ku tageen jaamacadda Addis Ababa oo ay wax ka bartaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, halkaasna ay kula kulmeen mas’uuliyiin, arday iyo dadweyn kale, isagoo sheegay inay is-dhaafsadeen fikrado dhinaca waxbarsahada ah.

“Kulankaas waxaan ku faaqidnay sidii loo hourmarin lahaa amniga gobolka aan ku nool nahay, siyaabaha loo horumarin karo dib u heshiisiinta dalalka gobolka ku yaalla oo dhan iyo sidii qurbo-joogta Soomaalida ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u dhiska dalka,” ayuu yiri Prof. Jawaari.

Dhank kale, wuxuu sheegay inay booqdeen magaalada Jigjiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya, isagoo sheegay inuu la kulmay xubnaha maamulka gobolka iyo ardayda wax-ka-barta jaamacadda Jigjiga oo lagu bixiyo duruusteeda afka Soomaaliga.

“Booqashadeenna Jigjiga waxay ahayd si aan u aragno sida uu u shaqeeyo habka federaalka iyo goboleysiga, runtiina horumar ayay sameeyeen gaar ahaan dhinacyada dhaqaalaha iyo ganacsiga, waxayna ahayd mid aan aad ula dhacnay,” ayuu guddoomiyuhu shirkiisa jaraa’id ku sheegay.

Ugu dambeyn, wuxuus sheegay in arday badan oo Soomaaliyeed ay wax ka bartaan jaamacadda Jigjiga, isagoo in dhalliniyarada waxbtay ee gobolkaas ay wax ka badan ka bedeleen horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha deegaankaas ay Soomaalidu deggen tahay.




Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya