Soomaaliya oo kaalinta koowaad ka gashay bandhig dhaqameed lagu qabtay Waddanka Cummaan (SAWIRRO)

Axad, Abriil 14, 2013— Bandhig si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Magalada Salalah ee Waddanka Cummaan . Bandhiggan ayaa waxaa ka qeybgalayay Dhammaan jaaliyadaha ku nool waddankaan Cumaan , waxaana lagusoo bandhigayay Cuntooyinka Waddan walba uu ku faano.
Munaasabaddan waxaa agaasimay Naadi ka mid ah Naaadiyada Waddankaan ugu waa weyn oo lagu maga caabo ( NAADI NASAR) oo ay xubin ka tahay Jaaliyadda Soomaliyeed ee Cummaan ku nool , waxaana bandhiggaan lagu casuumay oo xarigga ka jaray Wasiirka Belediyaha Cummaan, Saraakiil sare oo Police ah Iyo Shuyuukh.
Jaaliyadda Soomaalida ayaa Bandhiggan si weyn uga dhex muuqanayay ,waxayna soo bandhigeen Cuntooyin Soomaalidu hidaha u leedahay oo u gaarka ah sida Oodkaca, Caanaha Geela, Muufada,Canjeelada, Suugada, Shushumowga ,Saanbuuska, Bajiyaha, Hilibka Geelka iyo waxyaalo badan . Sidaas oo kale waxay soo bandhigeen alaabaha Soomaalida hiddaha iyo dhaqanka u leedahay, sidoo kale waxay soo bandhigeen cayaaro dhaqameed iyo majaajillooyin iyo Hal-xiralayaal.

Sida oo kale Waxay Soo daabaceen Book ka shekaynaya Tariikhda Soomaaliya iyo waxyaalaha ay Taarikhiga ku tahay Jaaliyadda Soomaliyeed ayaa Bandhiggaaas ka gashay kaalinta koowaad, waxaana u hambalyeeyay dhammaan ma suuliyiintii ka soo qaybgalay xafladdaan.
Xafladdaan Bandhigga ahayd ayaa markii Jaaliyadda Soomaaliyeed ay ku guulaysteen Kaalinta koowaad ayaa waxaa TV-yada waddankaan Cummaan waraysi ka qadeen Gudoomiyha Jaaliyadda soomaliyeed ee wadan kaan Cummaan Barkad Maxamad Maxamuud (Barkhad Sheekeeye), kaasi oo TV yada uga war bixiyey Dhaqankeena soomaliyeed sidaas oo kale waxa uu uga warbixiyay waddankeena Soomaaliya in uu ka mid yahay waddamada ugu khayraadka badan waxaa kale oo uu uga warbixiyay jaaliyadda Waddanka Cummaan ku nool, tiradooda iyo waxyaabaha ay ku heystaan.









Xogahaya Xafiiska Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Cummaan
Ibrahim Said Salah
isiciid2006@hotmail.com
+968 99557422