4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 12, 2013
Ra'iisul Wasaaraha Somalia oo Kormeer ku tagay Qaar ka mid ah Warshadaha iyo Beeraha Dalka Burundi (SAWIRRO)


Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalintii labaad ku sugan xarunta dalka Burundi ee Bujumbura ayaa soo kormeeray mashaariicda horumarin ah oo ka soconaya dalka Burundi.

Kormeerkan ayaa waxa ku wehliyay ra’iisul wasaaraha wasiirka difaaca, C/xakiin Maxamuud Xaaji Faqi, xildhibaanad Caasha Xaaji Cilmi, safiirka Soomaaliya ee Burundi, Abshir Xasan Abshir, xubno la taliyayaal ah iyo wasiirro ka tirsan dawladda Burundi.

Ugu horreyntii ra'iisul wasaaraha ayaa kormeerkiisa ka billaabay warshada sameysa saliidda cunnada lagu karsado oo ku taala deegaanka Rumonge ee gobolka Bururi, wuxuu soo indho-indheeyay qaybaha warshadda ay ka kooban tahay, isagoo warbixin ka dhegeystay saraakiisha maamulka ee mashruucaas.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu kormeeray qaybo ka mid ah beeraha gobolka, maadaama shacabka dalka Burundi uu ku tiirsan yahay tacbashada beeraha iyo wax-soo-saarkooda. Isagoo sidoo kale uu kormeeray goobo dalxiis iyo biyaha harada (Lake Victoria).

Gabagabadii kormeerkiisan ayuu ra'iisul wasaare Saacid oo warbaahinta la hadlay ku tilmaamay wax lagu faano horumarka ay sameynayaan shacabka Burundi, gaar ahaana horumarka ay ka sameeyeen dhinaca beeraha iyo warshadaha.

"Iskaashatada tuulooyinka iyo deegaannadu, waa sida kaliya ee lagu kobciyo dhaqaalaha dalka iyo wax-soo-saarka, waana ku faraxsan-nahay inaan aragno sida reer Burundi uga faa'iideysanayaan kheyraadka dalkooda," ayuu yiri mudane Saacid oo intaas ku daray in dal kasta uu dhaqaalihiisu ku tiirsan yahay wax-soo-saarkiisa gudaha.

Dhanka kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa xalay lagu casuumay casho sharaf uu u sameeyey madaxweyne ku-xigeenka Burundi, Terence Sinunguruza, waxaana cashadan lagu casuumay safaaradaha iyo madaxda hay'adaha dalkaas ku sugan.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya