Somaliland oo ka hadashay Dibadbaxay Jaaliyadda Somaliland ee Yurub ay ka Horsameeyaan Baarlamaanka Midowga Yurub
Jimco, Abriil 12, 2013 (HOL) — Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland, ahna Ku Simaha Madaxweynaha Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylic), ayaa Dhambaal Mahad-naq iyo Bogaadin u diray Jaaliyaddaha reer Somaliland ee ku kala nool Qaaradaha Yurub oo shalay Banaan-bax aad u balaadhan ka hor dhigay Xarunta Baarlamaanka Midowga Yurub ee magaalada Brussels ee Dalka Belgium.
Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku dhaqan Wadamada Yurub uu ku Ammaanay sida Geesinimada iyo Sharafta badan ee ay isugu soo baxeen Banaanbaxaas muhiimka ahaa ee lagu taageerayay Xaqa ay Somaliland u leedahay in la aqoonsado, sidaasna waxa uu ku sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul.
"Madaxweyne ku Xigeenka ahna Ku Simaha Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu Jaaliyada reer Somaliland ee Qurbaha ku nool uu ku ammaanay kaalinta Muhiimka ah ee ay kaga jiraan Horumarinta Dalka iyo waliba dedaalkooda ku saabsan sidii ay Dunida ugu qancin lahaayeen in ay Aqbasho Madaxbanaanida Somaliland oo ah mid Muqaddas ah oo aan gor-gortan gali Karin. waxa kale oo Madaxweyne ku Xigeenka ahna ku Simaha Madaxweynuhu uu ugu baaqay Jaaliyadaha reer Somaliland ee ku nool dalka debadiisu inay gacmaha is qabsadaan siina laban-laabaan dedaalkooda ku aadan Horumarinta Dalkeena Hooyo ee Qaaliga ah”ayaa lagu yidhi dhambaalkaasi mahadnaqa ah ee uu madaxweyne ku xigeenku usoo diray jaaliyadda Somaliland ee yurub.
Si kastaba ha ahaatee, jaaliyada reer Somaliland ayaa shalay banaanbax ay ku taageerayeen madaxbanaanidda Somaliland ku qabtay xarunta baarlamaanka Yurub ee Brussels ee dalka Belgium, kuwaas oo wadamada reer Yurub ka codsaday in la ixtiraamo madax banaanidda Somaliland.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland