4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 4 , 2012
Murashaxiin Doorashada Madaxweynenimo ee Soomaaliya uga Tanaasulay Musharax ay Isbahaysi wadaag yihiin
Talaado, September 04, 2012 (HOL) — Murashaxiin ka badan toban ayaa waxay u tanaasuleen murashax ay isbahaysi qura kuwada jiraan, kaddib kulan ay Muqdisho ku yeesheen, waxaana murashaxiintan ay sheegeen inay taageerayaan murashaxa ay u tanaasuleen.

Murashaxiintan oo ku mideysan isbahaysi ay ugu magacdareen - Bah-wadaagta Qaran ee isbedel-doonka ah -  ayaa waxay u doorteen inuu doorashada madaxnimo ee dalka uga qaybgalo Xaaji Maxamed Yaasiin oo ka mid ah xubnaha u tagaan ka qaybgalka doorashada madaxnimo ee dalka oo dhacaysa toddobaadka soo socda.

"Waxaan uga mahadcelinayaa xubnihii ii doortay inaan doorashada uga qaybgalo," ayuu Sheekh Maxamed Yaasiin ka sheegay kulankii loogu doortay inuu doorashada ka qaygalo, isagoo sheegay in howsha uu u tartamayo ay tahay mid aad u culus.

Xubnaha u tanaasulay ayaa waxaa ka mid ah: Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere), Jen. Maxamed Nuur Galaal, Caasho Axmed Cabdalla, Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), Yaasiin Axmed Ciise, Cabdulqaadir Fiish, Prof. Axmed Muumin Wafaa iyo xubno kale.

Codeynta uu kusoo baxay murashax ayaa waxay ahayd saddex wareeg, waxanaa wareeggii ugu dambeeyay ku tartamay xubno ay ka mid yihiin Prof. Axmed Muumin Wafaa, Gacma-dheere iyo murashaxa soo baxay ee Xaaji Maxamed Yaasiin.

Tanaasulka ay sameeyeen murashaxiinta u taagnaa xilka doorashada madaxnimo ee dalka ayaa imaanaya iyadoo ay socoto qabashada araajida murashaxiinta tartanka doorashada ka qaybgalaya, waxaana ka maqnaa kulanka, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, C/raxmaan C/shakuur iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ahaa xubnaha isbahaysiga balse si gooni ah u tartamaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Onilne
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya