3/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2012
Meydka marxuum Cabdi Xayi oo si heer qaran ah loogu aasay Nairobi

Arbaco, May 10, 2012(HOL):-Waxaa si heer qaran ah maanta loogu aasay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya Marxuum Cabdi Xayi Cusmaan Garaad oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

 

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeybgalay Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Dr. Cali Khaliif Galeyr, Jen. Maslax Maxamed Siyaad Barre, Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan, Wasiirka Ganacsiga ee Kenya Moses Watangula, Xildhibaano ka tirsan Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya iyo Dadweyne aad u faro badan.

 

Marxuumka oo da’diisu ay ahayd 40 sano jir ayaa wuxuu ku howlanaa wax u qabashada dalkiisa iyo dadkiisa, gaar ahaan in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya, waxayna dadkii yaqiinay isku raaceen in Cabdi Xayi uu ahaa shakhsi aad u dhaqan iyo dabeecad wanaagsan oo dadka oo dhami ay jecel yihiin.

 

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

HALKA HOOSE KA DAAWO AASKA MARXUUMKA

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]













Click here
5/9/2012 6:48 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jamaal Cusmaan oo ah wariye u shaqeeya Tv-ga Channel-4 oo saldhiggiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay abaal-marinta sannadkan ee suxufiyiinta caalamka.

5/9/2012 6:30 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabisay UYS oo ah hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sida lagu xoojin karo nabada loogana wada-shaqeyn karo ammaanka caasimadda, kaasoo ay ka qeyb-galeen boqolaal haween oo ka socday qaybaha ururrada haweenka.

5/9/2012 6:08 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Deg-ilima oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa soo wajahday xaalad nolol xumo oo aad u liidata.

5/9/2012 4:12 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa iska bedelay mowqifkaas kaddib markii uu sheegay in dastuurka laga saarayo dhammaan qodobbadii dhaliyay muranka.

5/9/2012 3:59 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa diiday in xil ka qaadis lagu sameeyo maareeyaha dekedda Muqdisho inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, kaddib markii uu dhawaan madaxweynuhu xilka ka qaaday maareeyaha.

5/9/2012 3:40 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisoow ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ah ee soo socota uu Muqdisho ka dhici doono dibabax looga soo horjeedo dastuurka cusub ee Somalia oo uu muran badan ka taagan yahay.

5/9/2012 3:30 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof ku toogtay degmada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, sidoo kalena waxaa xalay uu qarax miino ka dhacay waddada soddobka gaar ahaa inta u dhexeysa isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax, waxaana halkaas ku dhintay ruux la sheegay inuu aasayay miinada.