3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2012
Dood-cilmiyeed looga hadlayay xoojinta Nabada, Ammaankana Caasimada oo Magaalada Muqdisho lagu qabtay

Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabisay UYS oo ah hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sida lagu xoojin karo nabada loogana wada-shaqeyn karo ammaanka caasimadda, kaasoo ay ka qeyb-galeen boqolaal haween oo ka socday qaybaha ururrada haweenka.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley, Deeqo C/qaadir Axmed oo mas'uuliyiinta UYS ka mid ah ayaa hadal ay ku furtay doodda waxay ku sheegtay in loo baahan yahay inaan dib loogu laaban fowadadii 1992-dii, xilligaasoo dalku soo maray bur-bur iyo dhibaatooyin kala duwan.

"Danteena kuma jirto inaan xilligii 1992-dii aan dib ugu laabano, xilligaas wuxuu dalku soo maray bur-bur, dhibaato iyo colaad, abaaro, caruurtii xilligaas dhalatay hada waa 20-jir," ayay tiri Deeqo C/qaadir oo ku baaqday in bulshada ay u kacaan horumarka ganacsiga.

Xaawo Maxamuud Cali (Xaawo Kiin) oo iyana ka hadashay doodda ayaa sheegtay in haweenka looga baahan yahay inay la yimaadaan midnimo dhab ah, si ay qayb uga qaataan xasilinta dalka, iyadoo xustay in haweenka uu xil ka saaran yahay sidii lagu nabadeyn lahaa dalka, iyadoo tusaale u soo qaadatay in waayihii hore gabdho la is-dhaafsan jiray si godobta loo tir-tiro.

Raxmo Daahir Maxamed oo ka mid ah xubnaha guddiga haweenka UYS ayaa iyadana tibaaxday in is-qab-qabsiga dowladda dhexdeeda ah uu faa'ido u yahay Shabaab, isla markaana hal weji la lahaado, si meel looga soo wada-jeesto Al-Shabaab.

Mulki Dahir Xirsi ayaa iyana tilmaamtay in sida kaliya ee kalsooni iyo wada-shaqeyn uga dhaxeyn karto dowladda iyo shacabka ay tahay in dowladda abuurto kalsooni, shacabkana uu dowladda kala shaqeeyo ammaanka iyo xasiloonida.

Sidoo kale; Luul Warsame Guuleed iyo Faadumo Axmed Geeddi oo iyaguna hadallo jeediyay ayaa soo-jeediyay in sida looga bixi karo KMG-nimada ay tahay in dadku fahmo dhibaatada ay leedahay ku-meel-gaarnimo, isla markaana loo gudbo qaran rasmi ah.

Jawhaari Barqab oo ka mid ah haweenka qurba-joogta, kana tirsan guddiga Bilic ee haweenka ayaa ku ammaantay UYS dadaalka had iyo jeer ay bulshada geliso kaas oo ku saabsan wacyi-gelinta nabadda, waxayna xustay in cinwaanka doodda uu yahay mid xambaarsan sidii lagu adkeyn lahaa nabadda iyo ammaanka, iyadoo tixo gabay ah ku cabirtay xaaladda dalka uu ku jiro iyo dhibaatooyinka uu soo maray.

Khadiijo Aadan Dahir oo iyadana ka hadashay goobta ayaa sheegtay in haweenka had iyo jeer ay hormuud u yihiin bulshada, iyadoo xustay inay guulo kasoo gaareen ciyaarihii kubadda koleyga ee ka dhacay dalka Qadar, isla markaana ay hadda rajo wanaagsan ka qabaan inay guulo kasoo hoyaan ciyaaraha Olimbikada ee London lagu qabanayo sannadkan.

Ugu dambeyn, dood-cilmiyeedkan ayaa wuxuu ka mid ahaa kulamo hay'adda UYS ay u qabaneysay qaybaha kala duwan ee bulshada gaar ahaan Haween si loo xojiyo nabadda iyo ammaanka Muqdisho, markaas kaddibna loo gudbo dalka oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/9/2012 6:51 PM EST
Arbaco, May 10, 2012(HOL):-Waxaa si heer qaran ah loogu aasay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya Marxuum Cabdi Xayi Cusmaan Garaad oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

5/9/2012 6:48 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jamaal Cusmaan oo ah wariye u shaqeeya Tv-ga Channel-4 oo saldhiggiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay abaal-marinta sannadkan ee suxufiyiinta caalamka.

5/9/2012 6:08 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Deg-ilima oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa soo wajahday xaalad nolol xumo oo aad u liidata.

5/9/2012 4:12 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa iska bedelay mowqifkaas kaddib markii uu sheegay in dastuurka laga saarayo dhammaan qodobbadii dhaliyay muranka.

5/9/2012 3:59 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa diiday in xil ka qaadis lagu sameeyo maareeyaha dekedda Muqdisho inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, kaddib markii uu dhawaan madaxweynuhu xilka ka qaaday maareeyaha.

5/9/2012 3:40 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisoow ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ah ee soo socota uu Muqdisho ka dhici doono dibabax looga soo horjeedo dastuurka cusub ee Somalia oo uu muran badan ka taagan yahay.

5/9/2012 3:30 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof ku toogtay degmada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, sidoo kalena waxaa xalay uu qarax miino ka dhacay waddada soddobka gaar ahaa inta u dhexeysa isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax, waxaana halkaas ku dhintay ruux la sheegay inuu aasayay miinada.