5/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2012
Jeneraal Yuusuf Indha-Cadde oo sheegay in Dastuurka cusub laga Saarayo Dhamaan Qodobbadii Muranka dhaliyay

Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa iska bedelay mowqifkaas kaddib markii uu sheegay in dastuurka laga saarayo dhammaan qodobbadii dhaliyay muranka.

Mar uu saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inuu madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan uuna kala hadlay qodobbada la isku diiddan yahay.

"Waxaa kulan la yeeshay madaxda dowladda waxaana kala hadlya sidii qodobbada muranka dhaliyay laga saaro dastuurka, wayna naga ogolaadeen," ayuu yiri Jen. Indha-cadde oo saxaafadda la hadlayay.

Mas'uulkan oo horay u soo noqday wasiir u dowlaha gaashaandhigga DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in qodobbada laga saarayo dastuurka ee muranka badan dhaliyay ay ka mid yihiin: qodobka qaangaarka oo markii hore ahaa 18-sano, lagana dhigayo 15-sano, qodobka ku saabsan in madaxweynaha inuu ahaado qof muslim ah oo tukada iyo inuusan ahayn qof leh laba dhalasho.

Jen. Indhacadde ayaa dadka kasoo horjeeda dastuurka cusub ku tilmaamay kuwo doonaya in baarlamaanka hadda jira uu sii shaqeeyo, isagoo ugu baaqay dadkaas inay arrintaas ka baxaan oo ay ka war-sugaan dowladda.

Dhanka kale, wuxuu ku baaqay inaan la qaban dibadbaxyo looga horjeedo dastuurka isagoo sheegay inay mudaaharaadku uu sababi karo rabshado iyo dhibaatooyin ka dhaca Muqdisho.

Jen. Yuusuf Indha-cadde oo si aad ah uga soo horjeeday dastuurka ayaa wuxuu ka mid ahaa xubno ay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda KMG ah u diidday in shir ay ku yeeshaan hoteelka suxufi toddobaadkii lasoo dhaafay, taasoo uu aad uga carooday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/9/2012 6:51 PM EST
Arbaco, May 10, 2012(HOL):-Waxaa si heer qaran ah loogu aasay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya Marxuum Cabdi Xayi Cusmaan Garaad oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

5/9/2012 6:48 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jamaal Cusmaan oo ah wariye u shaqeeya Tv-ga Channel-4 oo saldhiggiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay abaal-marinta sannadkan ee suxufiyiinta caalamka.

5/9/2012 6:30 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabisay UYS oo ah hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sida lagu xoojin karo nabada loogana wada-shaqeyn karo ammaanka caasimadda, kaasoo ay ka qeyb-galeen boqolaal haween oo ka socday qaybaha ururrada haweenka.

5/9/2012 6:08 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Deg-ilima oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa soo wajahday xaalad nolol xumo oo aad u liidata.

5/9/2012 3:59 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa diiday in xil ka qaadis lagu sameeyo maareeyaha dekedda Muqdisho inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, kaddib markii uu dhawaan madaxweynuhu xilka ka qaaday maareeyaha.

5/9/2012 3:40 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisoow ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ah ee soo socota uu Muqdisho ka dhici doono dibabax looga soo horjeedo dastuurka cusub ee Somalia oo uu muran badan ka taagan yahay.

5/9/2012 3:30 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof ku toogtay degmada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, sidoo kalena waxaa xalay uu qarax miino ka dhacay waddada soddobka gaar ahaa inta u dhexeysa isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax, waxaana halkaas ku dhintay ruux la sheegay inuu aasayay miinada.