5/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2012
Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo kasoo horjeestay in xilka laga qaado Maareeyaha Dekedda Muqdisho

Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa diiday in xil ka qaadis lagu sameeyo maareeyaha dekedda Muqdisho inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, kaddib markii uu dhawaan madaxweynuhu xilka ka qaaday maareeyaha.

Madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ayaa xalay kulan saacado qaatay ka yeeshay muranka ku saabsan xil ka qaadista maareeyaha dekedda Muqdisho, Sayid Cali Macallin Cabdulle, inkastoo labada mas'uul aysan wax natiijo ah ka gaarin kulankooda.

Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in madaxweynuhu kuu ku adkeysanayo in xilka la qaado maareeyaha, halka ra'iisul wasaaruhu uu dalbaday inaan xilka laga qaadi karin xilligan kala guurka ah, uuna howlihiisa sii wato.

"Ra'iisul wasaaruhu wuxuu kasoo horjeestay gabi ahaan in xilka laga qaado maareeyaha, isaga iyo madaxweynuhuna way isku kihlaafeen arrintan," ayay HOL kasoo xigatay ilo wareedyo ku dhow ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sheekh Shariif ayaa toddobaadkii hore ku qanciyay maareeyaha dekedda inuu xilka isaga dago, iyadoo maareeyuhuna uu aqbalay go'aankaas, balse waxaa arrintan ka hoos-dhashay diidmada ra'iisul wasaaraha xukuumadda KMG ah ee ku aaddan inaan xilka laga qaadi karin xilligan maareeyaha.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in maareeyaha dekedda Muqdisho uu howshiisa sii wato, iyadoo muranka madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaruhuna uu gaaray meel sare inkastoo aan la ogeyn sida ay xaaladdu isku bedeli karto.

Dekedda Muqdisho ayaa ah isha ugu weyn ee dowladda KMG Soomaaliya ay ka hesho dhaqaalaha ay ku shaqeyso, waxaana murankan aan la ogeyn inuu saameyn ku yeelan karo howlaha dekedda iyo in kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/9/2012 6:51 PM EST
Arbaco, May 10, 2012(HOL):-Waxaa si heer qaran ah loogu aasay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya Marxuum Cabdi Xayi Cusmaan Garaad oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

5/9/2012 6:48 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jamaal Cusmaan oo ah wariye u shaqeeya Tv-ga Channel-4 oo saldhiggiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay abaal-marinta sannadkan ee suxufiyiinta caalamka.

5/9/2012 6:30 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabisay UYS oo ah hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sida lagu xoojin karo nabada loogana wada-shaqeyn karo ammaanka caasimadda, kaasoo ay ka qeyb-galeen boqolaal haween oo ka socday qaybaha ururrada haweenka.

5/9/2012 6:08 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Deg-ilima oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa soo wajahday xaalad nolol xumo oo aad u liidata.

5/9/2012 4:12 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa iska bedelay mowqifkaas kaddib markii uu sheegay in dastuurka laga saarayo dhammaan qodobbadii dhaliyay muranka.

5/9/2012 3:40 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisoow ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ah ee soo socota uu Muqdisho ka dhici doono dibabax looga soo horjeedo dastuurka cusub ee Somalia oo uu muran badan ka taagan yahay.

5/9/2012 3:30 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof ku toogtay degmada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, sidoo kalena waxaa xalay uu qarax miino ka dhacay waddada soddobka gaar ahaa inta u dhexeysa isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax, waxaana halkaas ku dhintay ruux la sheegay inuu aasayay miinada.