3/22/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 9 , 2012
SHEEKH AXMED DHICISOOW: "Maalinta Jimcaha ah waxaa dhacaya Mudaaharaad looga soo horjeedo dastuurka cusub"

Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culummada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisoow ayaa sheegay in maalinta Jimcaha ah ee soo socota uu Muqdisho ka dhici doono dibabax looga soo horjeedo dastuurka cusub ee Somalia oo uu muran badan ka taagan yahay.

Sheekh Dhicisoow ayaa sheegay in dastuurkan uu yahay mid uga daran shirkii Baarliin ee lagu qaybiyay Soomaaliya, isagoo xusay in qodobbadiisa ay ka mid yihiin kuwo lagu doonayo in Soomaaliya loogu qaybiyo boqol qaybood.

"Maalinta Jimcaha ah waxaa dhacaya mudaaharaad ay ka qaybgalayaan hal milyan oo qof oo looga soo horjeedo dastuurka cusub ee Soomaaliya, waxaana qabnaa haddii sidan lagu ansixiyo inuu khatar weyn ku yahay dalka iyo dadka," ayuu yiri Sheekh Dhicisoow.

Guddoomiyaha Majmaca Culummada Soomaaliyeed ayaa hadalkiisa ku daray inay mudaaharaadkooda Dowladda kaga codsanayo adduunka ku ogeysiinayaan waxa ay doonayaan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay hay'adaha culummada Soomaalida ay kasoo horjeestaan dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay ku tilmaameen mid ay ku jiraan qodobbo badan oo ka horimaanaya diinta Islaamka.

Lama oga sida uu ku qabsoomi karo dibadbaxa ay culummadu sheegeen inay uga soo horjeedaan dastuurka, iyadoo xukuumadda KMG ah ay toddobaadkii hore soo saartay digniin ku saabsan inaan la qaban karin shirar iyo dibadbaxyo aan lagu soo wargelin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/9/2012 6:51 PM EST
Arbaco, May 10, 2012(HOL):-Waxaa si heer qaran ah loogu aasay magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya Marxuum Cabdi Xayi Cusmaan Garaad oo shalay ku geeriyooday magaalada Nairobi.

5/9/2012 6:48 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jamaal Cusmaan oo ah wariye u shaqeeya Tv-ga Channel-4 oo saldhiggiisu yahay dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystay abaal-marinta sannadkan ee suxufiyiinta caalamka.

5/9/2012 6:30 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qabanqaabisay UYS oo ah hay'adda Midowga Dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sida lagu xoojin karo nabada loogana wada-shaqeyn karo ammaanka caasimadda, kaasoo ay ka qeyb-galeen boqolaal haween oo ka socday qaybaha ururrada haweenka.

5/9/2012 6:08 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Qoysaska danyarta ah ee ku dhaqan deegaanka Deg-ilima oo hoostaga degmada Afmadow ee Gobolka Jubada Hoose ayaa waxa soo wajahday xaalad nolol xumo oo aad u liidata.

5/9/2012 4:12 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) oo ka mid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeeday dastuurka cusub ee Soomaaliya ayaa iska bedelay mowqifkaas kaddib markii uu sheegay in dastuurka laga saarayo dhammaan qodobbadii dhaliyay muranka.

5/9/2012 3:59 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali ayaa diiday in xil ka qaadis lagu sameeyo maareeyaha dekedda Muqdisho inta lagu jiro xilligan kala guurka ah, kaddib markii uu dhawaan madaxweynuhu xilka ka qaaday maareeyaha.

5/9/2012 3:30 AM EST
Arbaco, May 09, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay laba qof ku toogtay degmada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir, sidoo kalena waxaa xalay uu qarax miino ka dhacay waddada soddobka gaar ahaa inta u dhexeysa isgoysyada Black Sea iyo Baar Ubax, waxaana halkaas ku dhintay ruux la sheegay inuu aasayay miinada.