4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 8 , 2012
Faahfaahin ku saabsan duqeyn xalay ka dhacday Muqdisho iyo AMISOM oo sheegtay in Askar laga dhaawacay

Talaado, May 08, 2012 (HOL) — Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxay madaafiic xalay ku dhacday xaafadda Zone-K ee degmada Hodan, iyadoo tirada dadkii ku dhintay ay gaartay sagaal qof, kuwaasoo afar ka mid ah ay kasoo jeedeen qoys keliya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in madaafiicda ay ahaayeen kuwo ka yimid deegaannada ku yaalla duleedka Muqdisho oo Al-shabaab ay ka taliso, balse ma jiro hadal kasoo baxay kooxdan ama sheegasho ay sheegatay inay iyadu madaafiicda soo gantay.

"Xalay waxaa dhacayay dagaallo culus... laba ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa waxay mayadadkoodu yaallaan meel ku dhow saldhiggeenna," ayuu yiri afhayeenka ciidamada Burundi ee ku sugan Muqdisho, Cap. Ndayiragije Come.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri "Dhinaceenna waxaa naga dhaawacmay laba askari. Al-shabaab waxay sidoo kale duqeeyeen saldhigeenna - madaafiicda qaarkood way la waayeen saldhigga."

Goobjoogayaal ayaa sheegay in madaafiicdu ay ahaayeen laba ku dhacay hal guri oo ay ku noolaayeen laba qoys, ayna halkaas ku dileen toddoba qof oo afar ka mid ah ay isku qoys kasoo jeedeen.

"Madaafiic culus ayaa xalay ku dhacay guri ka sameysan jiingad. Aabbe, Hooyo iyo laba caruur ah oo ay dhaleen ayaa ku dhintay, laba cunug oo keliya ayaa qoyskaas ka badbaaday kuwaasoo dhaawacyo qaba," ayuu yiri Cabdi Gaas oo la hadlay Reuters.

"Madfac kale ayaa ku dhacay meel guriga ku dhow, hooyo iyo cunug ay dhashay ayuuna dilay. Firirka madfaca ayaa sidoo kale wiil yar ku dilay guri kale, halkaas waxaa ku dhintay toddoba qof oo la aasay," ayuu Cabdi Gaas hadalkiisa ku daray.

Ma jirto cid sheegatay duqeyntii khasaaraha nafeed geystay ee xalay ka dhacday Muqdisho, sidoo kalena ma jiro hadal kasoo baxay mas'uuliyiinta Al-shabaab. Iyadoo laba ka mid ah dadkii dhaawac ahaanta loo dhigay isbitaalada Muqdisho ay u dhinteen dhaawacyo halis ah oo soo gaaray.

Xaafada Zone-K oo ay xalay duqeyntu ka dhacday ayaa ka mid ahayd goobihii ka badbaaday inay saameynta ku yeeshaan dagaaladii magaalada Muqdisho ku dhex-marayay ciidamada DKMG ah oo garabsanaya AMISOM iyo xoogaga Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya