4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
Magaalada Muqdisho oo dib loo dhisayo Inkastoo Xaaladda Ammaanka ay weli tahay mid aan Wanaagsanayn

Axad, May 06, 2012 (HOL) — Magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ayaa waxaa ka socda dhismayaal cusub, iyadoo weli ammaankeedu uu yahay mid aan wanaagsanayn, waxaase dadku iyo madaxda dowladdu ay rajo ka muujinayaan in ammaanku uu sidan ka wanaagsanaan doono.

Caasimadda Soomaaliya ayaa wuxuu burburkeedu soo billowday sannadkii 1991-kii markaasoo xilka laga tuuray dowladdii dhexe ee Soomaaliya, iyadoo 21-kii sano ee ay colaaduhu jireen ay inta badan caasimaddu burburtay.

"Ammaanku ma ahan weli mid la isku halleyn karo, laakiin dadku waxay go'aan ku gaareen inay noloshooda caadi kusoo celiyaan," ayuu yiri Axmed Sheekh Guure oo ka mid ah ganacatada Soomaaliyeed oo u warramayay wakaaladda wararka ee AFP. "Dadku waxay dhisanayaan guryahoodii burburay," ayuu hadalkiisa ku daray,

Suuqa bakaaraha oo ah midka ugu weyn ee ku yaalla Muqdisho ayaa waxaa isna ka socda dib u dhis xoog leh, kaddib markii ay burburiyeen dagaallo sannadkii hore ku dhexmaray ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab oo muddo ka talinayay suuqaas.

"Runtii anigu ma moodayn in dagaalku uu waqtigan qaadan karo," ayuu yiri Guure. "Ilaahay baa mahad leh, maxaa yeelay waxaan haysannaa fursad aan dayactir ku sameyn karno."

Afhayeenka xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Yariisow oo la hadlay AFP ayaa sheegay in dadku ay dib u dhis ku sameynayaan guryahooda. "Soomaalida dibadaha ku nool ayaa dib u soo laabanaya... si ay gacan uga geystaan dib u furidda ganacsiga."

Wax ka yar hal sano, xoogagga hubeysan ee Al-shabaab waxay madaafiic culus isku dhaafsan jireen Muqdisho ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM, kuwaas oo keenay in magaaladu ay sii burburto. Laakiin hadda waxaa socda dib u dhis xoog leh.

"Maalmahan shaqo la'aan nama hayso, dib u dhis ayaa si aad ah u socda," ayuu yiri Aadan Shariif oo ah rinjiile. Isagoo hadalkiisa ku daray: "Afar toddobaad ama shan toddobaad oo kasta, waxaa naloogu yeeraa shaqo cusub."

Goobaha aadka u dhismaya ayaa waxaa ka mid ah degmooyinkii ay Xarakada Al-shabaab isaga baxday sannadkii hore, halkaasoo ay ku yaalleen xarumo ganacsi oo waaweyn, sida xaafadaha ku teedsan jidka Soddonka iyo jidka kale ee Wadnaha.

"Inaad dhul iibsato Muqdisho aad ayay qaali u tahay, maxaa yeelay sicirka guryaha ayaa aad sare ugu kacay... ganacsatadu waxay ka fikirayaan sida uu xaalku isku bedeli karo xilliga soo socda, waayo dagaalku weli uma muuqdo mid dhammaaday," ayuu yiri Cabdulqaadir Bashiir oo ganacsade ah.

Xoogagga Al-shabaab waxay dagaalkoodii u bedeleen mid jabhadeyn ah, sida in la qarxiyo gaari miineysan, duqeyn iyo weerarro kale oo toos ah, kuwaasoo ay wax-yeello kasoo gaarto dadka shacabka ah iyo ciidamada dowladda.

"Dhismihii aad maanta dhisto, waxaa si fudud loogu dumin karaa berri," ayuu Bashiir mar kale yiri. Isagoo sheegay in walaac xooggan uu ka haysto guryaha ay dib u dhisayaan waxa ay berri ku dameyn karaan.

Ganacsada kale oo lagu magaaabo Maxamed Cabdullaahi ayaa isaguna sheegay in ijaarka guryaha uu aad qaali u yahay, isagoo xusay in halkii qol oo deegaan ah ay kuugu kacayso bishii 10-dollar, isagoo sheegay in bilaha soo socda ay imaan karto inaadan ijaarka qolkii ku helin 40-dollar.

Ugu dambeyn, ganacsadahan wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay "Allaa weyn, waxaan rajeynayaa in dadku ay dib u soo laabtaan ayna dib u dhisaan dalka."

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya