4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 6 , 2012
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka hadlay dowladda KMG ah iyo Dastuurka cusub ee la doonayo in la ansixiyo

Axad, May 06, 2012 (HOL) — Hoggaamiyihii hore ee ururkii Xisbul Islaam, haddana ah sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab, Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa hadal uu jeediyay ku sheegay in dowladda KMG ah ay tahay mid aan jirin, sidoo kalena wuxuu aad u dhaliilay dastuurka cusub ee la doonayo in la ansixiyo.

Hoggaamiyahan ayaa hadalkan ka sheegay duleedka Muqdisho oo ay awood badan ku leedahay Xarakada Al-shabaab, wuxuuna odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha ansixinaya dastuurka uu uga digay in Soomaaliya ay ku ridaan god aysan hadhow kasoo saari karin.

"Dowlad Soomaaliyeed meesha ma joogto, Mahiga ku goodinaya, isagaa handadaya, isagaa kaabbe ka ah, isagaa ka diiq ka ah, marka meeshan xukuumad Soomaaliyeed ma joogto waayo khiyaar ma lahan lagamana sugaayo, shacabka Soomaaliyeed waxaan uga digayaa inay ku qatalmaan, waayo dowlad ma ahan dowladna kama jirto halkaas," ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir.

Sidoo kale, Sheekhu mar uu ka hadlay odayaasha soo xulaya guddiga ansixinaya dastuurka Soomaaliya ayuu sheegay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in laga ansixiyo dastuurka oo keliya.

"Odayaasha ujeeddada laga leeyahay waa in laga ansixiyo dastuurka, waxaana leeyahay umadda ha ku ridina god aydaan hadhow ka bixi karin. Odayaashana waxay la mid yihiin odayaashii dhiibay Soomaali-galbeed," ayuu yiri Sheekh Xasan.

Hadalka Sheekh Xasan Daahir ayaa imaanaya iyadoo shalay uu Muqdisho ka furmay shir ay ka qaybqaadanayaan 135 oday-dhaqmeed oo lagu soo xulayo ergadii ansixin lahayd dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya