4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 5 , 2012
Xukuumadda Uganda oo Tirada Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM Gaarsiisay 8,000-Askari

A Ugandan soldier serving with the African Union Mission in Somalia (AMISOM) walks along the frontline of a defensive box position straddling the main road on the northern edge of Maslah Town, north-west of the Somali capital Mogadishu April 29, 2012. Picture taken April 29, 2012.
Sabti, May 05, 2012 (HOL) — Afhayeenka ciidamada milateriga Uganda, Col. Flix Kulayigye ayaa sheegay inay ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ee qaybta ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku biiriyeen 17,00 oo askair oo dheeraad ah, taasina ay tirada ciidamadooda ka dhigayso 8,000-askari.

Col. Kulayigye ayaa hadalkan sheegay toddobaadkii hore, isagoo sheegay in askarta cusub ee ay howlgalka ku biiryeen ay joogi doonaan Muqdisho, balse ciidankii horay u joogay la geyn doono gobollada kale ee dalka si ay uga howlgalaan.

"Ciidamadan mar hore ayay gaareen Soomaaliya. Waxaan ciidamadan ugu talogalnay inay wax ka bedelaan ammaanka Muqdisho, ciidamadii horena waxay u dhaqaaqi doonaan gobollada si ay u nadiifiyaan," ayuu yiri Col. Kulayigye.

"Tallaabo walba oo aan qaadanyno waa mid wanaagsan. Waxaan rajeynaynaa inaan ka qabsanno Al-shabaab dhul ballaaran," ayuu hadalkiisa ku daray afhayeenka ciidamadas milateriga Kenya.

Ciidamada AMISOM oo ay Uganda ka mid tahay oo howlgalkoodu billowday sannadkii 2007 ayaa waxay markii ugu horreysay ku guuleysteen sannadkii hore inay isku ballaariyaan magaalada Muqdisho oo muddo ku dhow saddex sano ay inteeda badan ka talinaysay Al-shabaab.

Ciidamada ay Uganda ku xoojisay ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya ayaa waxay kusoo beemaysaa iyadoo golaha ammaanka ee Qaramdaa Midoobay ay ogolaadeen bishii Feberaayo ee sannadkan in tirada ciidamada AMISOM la gaarsiiyo 17,731-askari.

Dalalka Uganda iyo Burundi ayaa waxay horumuud u yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo labadan dal ay kaga sugan yihiin Soomaaliya kumannaan askari oo dowladda gacan ka siinaya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya