Kooxda Waayaha Cusub oo xaflad ku qabtay Easleigh (DAAWO SAWIRRO)
Jimco, May 04, 2012 (HOL) - Xaflad ay soo qaban qaabisay kooxda waayaha cusub oo ay kasoo qeyb galeen
boqolaal dad ah oo reer Eastleigh ah, isla markaana loogu magac darey
(Nabadi waa nolole, Dhalinyarooy Nageeh) taasoo lagu wacyi galinayo
dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay xaafada Easliegh ee magaalada Nairobi
Barnaamijkan ayaa waxaa kasoo qeyb galay dhamaan qeybaha kala duwan
ee bulshada ku dhaqan Nairobi gaar ahaan dhalinyarada. Waxaa ugu
horeyntii goobtaasi ka hadlay gudoomiyaha Kooxda Waayaha Cusub Shiine
Akhyaar oo isla markaana daahfurey barnaamijka kana sheegey in ay
munaasabadan tahay mid loogu gogol xaarayo xaflad balaaran oo lagu
qaban doono magaalada Nairobi bisha May 15, 2012.
Kooxda Waayaha Cusub ayaa sidoo kale soo bandhigey qalab casri ah oo
dhawaan loogu deeqey kooxda.
Qalabkan ayaa waxaa ka mid ah
Speakero, Amps, Qalabka live musica lagu garaaco iyo waliba Jenereetar
weyn oo xalay loo shidey goobta ay xaflada ka dhacaysey, kadib markii ay
korontada ka tagtey xaafada Eastleigh.
Kooxda Waayaha cusub ayaa soo bandhig barnaamij faneed oo
heesahana si toos ah (live) u garaacanaysay. Dadweynihii kasoo qeyb
galay si diirran u daawanayay iyadoo mararka qaarna ay ka qayb qaadanayeen qoob ka ciyaarka.
Dhanka kale kooxda Waayaha Cusub ayaa xafladaasi waxay kusoo
dhaweeyeen Hal-Abuurka Soomaaliyeed ee reer Minnesota Saalax Doonyaale
oo goobtaasi tix gabay ah oo dhalinyarada ka wacyi galineysa is qarxinta
ka tiriyey. Sidoo kale Doonyaale ayaa u mahad celiyey sida balaadhan ay
kooxda Waayaha Cusub ugu soo dhaweeyeen magaalada Nairobi taniyo
goortuu yimid gaar ahaan hoobalka codka halaasiga ah leh, horyaalka
raabkana qaadey alfanaan Digriyow iyo marwadiisa Nafiso, sidoo kale
hogaamiyaha kooxda Shiine Akhyaar oo si weyn ugu soo dhaweeyey magaalada
Nairobi.
Waxaa goobtaasi isna wacdaro ka dhigey fanaanka Lixle, xidigta fanka
Soomaaliyeed Falis, iyo waliba Burhaan, Axmed iyo Raguu.




























Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
asamad@hiiraan.com
Nairobi , Kenya