4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 31, 2012
Xoogagga Al-shabaab oo Isaga Baxay Afmadow Iyo Ciidamada Huwanta ah oo Kaabiga Ku Haya Magaalada

Khamiis, May 31, 2012 (HOL) — Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno degmada Afmadow ayaa sheegaya in dagaalyahannada Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaasi, kadib dagaal culus oo oo iyaga iyo Ciidamada huwanta ha ku dhexmaray duleedka degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Goobjooge ka gaabsaday Afmadow ayaa HOL u sheegay in diyaarado nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ay duqeymo ba'an ka geysteen magaalada, wuxuuna xusay in dagaalyahannada Al-shabaab ay gabi ahaanba isaga baxeen degmada, islamarkaasina ay maagaladu haatan haawaneyso.

Ciidamada dowadda, Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo saaka xoogagga Al-shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah oo ku yaal degmada Afmadow ayaa lagu soo waramayaa in ay ku suganyihiin meel aan sidaa uga fogeyn magaalada Afmadow, waxaana saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ay sheegeen in goordhow ay gudaha u geli doonaan magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose.

Illaa imika lama hayo tirada rasmiga ah ee dadka ku waxyeeloobay dagaalkii saaka, haseyeeshee warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalkii saaka ay ku dhinteen kudhowaad sideed qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay, halka tiro intaa ka badann la sheegay in ay ku dhaawacmeen.

Xaaladda degmada Afmadow ayaa weli ah mid kacsan, iyadoona ay magaalada ka barakaceen dadweeyne aad u fara badan, kuwaasoo ka cabsi qabay in ay waxyeelo kasoo gaarto dagaallada u dhexeeya labada dhinac ee isku heysa gobolka Jubada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya