4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 3 , 2012
Guddida Diiwaan-gelinta Ururradda Siyaasadda Somaliland oo markii ugu horaysay ka hadlay shuruudihii ay buuxin waayeen Ururraddii haray

Khamiis, May 03, 2012 (HOL) — Guddidda Diiwaangelinta ururadda Siyaasadda iyo ansixinta axsaabta Somaliland, ayaa sheegay sagaalka urur ee qiimeynta ku hadhay in aanay buuxin shuruudihii laga rabay,isla markaana ay ka xun yihiin eeddaha ay usoo jeediyeen ururadaasi hadhay.

Guddidan oo maanta shirjaraa’id ku qabtay xafiiskooda magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay inay ka xunyihiin eedaha sharaftoodda wax u dhimaya ee ay usoo jeediyeen ururadii qiimeynta ku hadhay,kuwaas oo aan ku qancin natiiijadii ay soo saareen.

Gudoomiyaha guddidan diiwaangelinta ururadda siyaasadda Cabdirisaaq Jaamac Cumar (Ciyaale) ayaa tilmaamay ururada cabanayaa ee aan ku qancin natiijadoodda ay sifo sharci ah u maraan Waxay ka cabanayaan, isla markaana u tagaan garsoorka.

"arrinta waxa buunbuuniyey waa saxaafadda oo leh ururadda la reebay, waa inay tidhaa ururada hadhay iyo ururada fursada u heli waayey, laakiin lama reebin waa la reebay macnihii waxay ka dhigan tahay badheedh baa loo reebay luuqada saxaafada isticmaalayso ha la eego, saxaafada waxa ay u dhextahay ummadda oo dhan" ayuu yidhi guddoomiyaha guddidda oo saxaafadda uga digayey in aanay isticmaalin kalmadda ururadda la reebay, balse ay yihiin ururo qiimeyntii ku hadhay.

Afhayeenka guddidan Xasan Macalin oo faah-faahin ka bixiyey sababta ay ku hadheen ururaddu ayaa sheegay in aanay buuxin sagaalka urur ee hadhay shuruudihii laga rabay oo ay ka mid ahayd kunkii qof ee laga rabay, halka qaarkoodna aanay buuxin shirweynahoodii oo laga rabay gudidda fulinta iyo golaha dhexe, halka kuwa kalana gobolada ka samaysan xafiisyo.

Waa markii ugu horaysay ee guddidda Diiwaangelintu ay ka hadlaan qaabkay ku hadheen sagaalka urur ee qiimeynta ku hadhay, iyagoo mid mid usoo bandhigay waxa ay ku hadheen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland