4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 2 , 2012
AXMED CABDISALAAN: "Dhaawacaygu ma ahan mid macno leh, waxaana dib ugu soo laabanayaa Gobollada Dhexe"

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo ka mid ahaa dadkii ay dhaawacyada culus kasoo gaareen qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galguduud ayaa sheegay in weerarkii lagu dhaawacay uusan ka leexin doonin hadafkiisa.

Siyaasiga Axmed C/salaan oo saxaafadda la hadlay markii dhaawiciisa laga qaadayay degmada Dhuusomareeb ayaa sheegay inuu aad u wanaagsan yahay uuna howshiisa uu waday sii wadi doono.

"Alxamdulillaah... shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in Ilaahay uu wax dilo waxna nooleeyo... anigu waan noolahay dhaawaca i gaarayna dhib ma lahan. Labadii xildhibaan ee dhintay Allaha u naxariisto," ayuu yiri Axmed C/salaan.

Mas’uulkan oo ahaa hoggaamiyaha xildhibaannadii ku sugnaa gobollada dhexe oo halkaas u joogay dhisidda maamul gobholeed cusub oo laga hirgeliyo gobollada dhexe ayaa sheegay ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay ay doonayeen inay ka ridaan indhaha shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay sidii midnimo loo gaari lahaa u midoobaan.

"Al-shabaab waxay ku talogashay inay Ummadda Soomaaliyeed indhaha ka riddo, Soomaali badan ayay dileen; taasna Alle ayaa wax dila mooyee iyaga waxba ma dili karaan," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Axmed C/salaan wuxuu sheegay inuu dib ugu soo laaban doono gobollada dhexe ayna howshii ay u joogaan sii-wadi doonaan, isagoo sheegay in xildhibaannada ku sugan hadda ay howsha sii-wadayaan.

Weerarka uu ku dhaawacmay Axmed C/salaan ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab oo ku sheegtay inuu ahaa mid aargudasho iyo ka hortag shirqool isugu jiray, iyadoo ay ku dhinteen weerarkaas, xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar iyo xildhibaan C/weli Sheekh Maxamuud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya