Wafdi ka socda xisbiga Xisbiga Hiil Qaran oo Booqday Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya (DAAWO SAWIRRO)

Arbaco, May 02, 2012 (HOL) — Wafdi ka socda xisbiga Hiil Qaran oo ay hogaaminayaan xubno sare oo ka tirsan xisbigaasi ayaa booqasho ku tagay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Waxaana wafdigan ay kormeer ku sameeyeen nolosha dadka qaxootiga ah ee ku jira xeryaha Dhadhaab , iyagoo waraystay qaar kamid ah dadkaasi.
Axmed Ismaaciil Samatar oo kamid ah hogaanka xisbiga Hiil Qaran oo Hiiraan Online uga warramay booqashadii ay ku tageen xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay inay halkaas ku soo arkeen dhibaato xoogleh.
"Dadka Soomaaliyeed ee xeryahaasi ku jira waxay ku noolyihiin xaalad adag" ayuu yiri Prof. Samatar.

"Qofkii Soomaaliya doonaya inuu mas'uul ka noqdo waa inuu tagaa meelaha ay dadka Soomaaliyeed ee dhibaataysani joogaan" ayuu sii raaciyay.
Waxaana ay ballanqaadeen masuuliyiinta xisbiga Hiil Qaran inay dajiyaan qorshe dadka ku dhibaataysan xeryaha wax loogu qabanayo.
Dhanka kalana Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in xisbigoodu ay ka qayb qaadan doonaan tartanka loogu jiro jagooyinka ugu sarreeya dalka, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay xuquuq dastuuri ah.
Booqashada ay xubno ka socda xisbiga Hiil Qaran ku tageen xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee xubno ka socda xisbi siyaasadeed ay ku tagaan xeryahaasi.














Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected] Nairobi , Kenya