9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 11, 2012
Kooxo hubeysan oo laba qof ku toogtay baratmaha Magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland

Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dilay laba qof, kuwaasoo warar kala duwan ay kasoo baxayaan, waxaana kooxihii dilka geystay u suurogashay inay ka baxsadeen goobtii ay dilka ka geysteen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in labada qof ee la dilay ay ehel ahaayeen, ayna toogteen labada dhallinyaro ah oo bastoolado ku hubeysan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in labada ay ahaayeen saraakiil ka tirsan maamulka Puntland.

"Dilku wuxuu ka dhacay bartamaha Boosaaso, goobtana waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka, kuwaasoo baaritaan sameeyay balse ma jirto cid ay u qabteen dilkaas," ayuu yiri goobjooge ku sugan Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaan ka hadlin dilka loo geystay labadan ruux oo lagu sheegay inay ahaayeen saraakiil maamulkooda ka tirsan, iyadoo wararka qaarkood ay xuseen inay kasoo jeedeen deegaannada Galgala.

Deegaanka Galgala ayaa waxaa sannadkii 2010 ku dagaalamay xoogag taabacsan Sheekh Maxamed Siciid Atam oo dhawaan ku biiray Al-shabaab iyo cidamada maamulka Puntland.

Toogashada labadan ruux ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo maamulka Puntland uu dhawaan sheegay inay xasiliyeen ammaanka Puntland, sidoo kalena ay jireen hanjabaadyo kasoo baxaya xoogagga buuraleyda Galgala.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/11/2012 1:59 PM EST
Jimco, May 11, 2012(HOL): Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey, iyadoona kulanka looga hadlayay heshiis is-afgarad ah (MOU) oo ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobey Xuquuqul Insaanka.

5/11/2012 8:28 AM EST
Jimco, May 11, 2012(HOL): Jaaliyadda Somaliland ee magaalada Malmö ee dalka Sweden ayaa maanta la gudoonsiiyey shahaado uu bixiyo aqalka Boqortooyada ee dalkan Sweden. Shahaadadan oo ah markii ugu horeysay ee Taariikhda dalkan Sweden ay ku guuleystaan dad Soomaali ah ayaa waxaa maanta (shalay) guddoonsiiyey Badhasaabka gobolka Skåne Mr: Göran Tunhammar iyadoo ay halkaas goob joog ka ahaayeen madaxada Gobolkan & Madaxda Jaaliyadda Somaliland ee Magaalada Malmö ee dalkan Sweden.

5/11/2012 4:27 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa dagaal kala hortagay ciidammo ka tirsan kuwa dowladda KMG ah oo saakay isku dayay inay fujiyaan goobo ganacsi oo laga dhistay hareeraha isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, iyadoo taasi ay keentay in isgoyskaas uu xirmo.

5/11/2012 4:22 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Sarkaal ka tirsan ciidamada DKMG ah ayaa ku dhintay dagaal ciidammo kawada tirsan dowladd KMG ah ku dhexmarya xaafadda Suuq-Bacaad ee degmada Yaaqshiid, iyadoo guddoomiyaha degmada Huriwaa uu eedeyn u jeediyay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM.

5/11/2012 4:05 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddiga xawaaladleyda Soomaalida gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa aad uga carooday bankiga US Bank oo sheegay inuusan diyaar u ahayn inuu la shaqeeyo xawaaladleyda Soomaalida, kaddib wada-xaajood muddo socday oo bankigaas uu kula jiray guddiga xawaaladleyda Soomaalida.

5/11/2012 3:52 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddoomiyihii baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo ku sugan degmada Xudur ayaa sheegay inay baaritaan ku sameynayaan dad shacab ah oo lagu dilay deegaan ku dhow degmada Xudur.

5/11/2012 3:41 AM EST
Jimco, May 11, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha majmaca culumada Soomaaliyeed, Sheekh Axmed Dhicisow ayaa sheegay inay dib u dhigeen qabashada mudaaharaad ay ku wadeen inay maanta ka dhigaan Muqdisho, kasaoo ay uga soo horjeedaan dastuurka cusub ee Soomaaliya.