9/28/2023
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 10, 2012
Madaxweynaha Somalia oo dallacsiiyay in ka badan 100-sarkaal oo Ciidanka Booliiska Soomaaliya ka tirsan

Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 141-sarkaal oo ka tirsan booliiska Soomaaliya oo uu ku jiro taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, Jen. Shariif Sheekhunaa Maye.

Saraakiishan ayaa lagu dallacsiiyay munaasabad ka dhacday Muqdisho, iyadoo hadal uu goobtaas ka jeediyay taliyaha ciidamada booliiska uu ku sheegay inay ku timid dallacsiintan kaddib markii saraakiishan ay muujiyeen karti iyo howl-karnimo dheeraad ah.

"Madaxweynaha saraakiisha uu dalacsiiyay waxay ahaayeen G/sare ilaa Sareeye Guuto 17-sarkaal, G/dhexe ilaa G/sare 13-sarkaal, G/lle ilaa G/dhexe 17-sarkaal"ayuu yiri Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo tilmaamay in isaga uu si gaar ah u tixgeliyay saraakiisha la dalacsiiyay, markii warbixin loo soo gudibiyay, isla markaana uu arkay waxqabadkooda iyo dadaalkooda.

Agaasimaha Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Bashiir Maxamed Goobe ayaa sheegay ka aqriyay Munaasabada Saraakiisha la dalacsiiyay, isagoo ugu horeyn magac dhabay Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo ka dalacay Sareeye Guuto, loona dalacsiiyay Sareeye Gaas.

Saraakiisha la dalacsiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa: Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo loo dalacsiiyay jeneraal, Axmed Diiriye Faarax oo loo dallacsiiyay sareeye guuto, taliyaha ciidanka booliska gobolka Banaadir, Axmed Xasan Maalin oo ahaa gaashaanle sare ayaa loo dallacsiiyay sareeye guuto, taliyaha laanta dambi-baarista booliiska ee CID-da, Cabdullaahi Xasan Bariise oo ahaa gaashaanle sare ayaa loo dallacsiiyay sareeye guuto, Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo isna ahaa G/sare ayaa loo dalacsiiyay sareeye guuto.

"Waxaan idin leeyahay hambalyo, waxaana la idin kaga baahan yahay inaad dusha u ridataan mas'uuliyadda cusub ee la idin saaray aadna ugu shaqeysaan dadkiina iyo dalkiinna," ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda KMG ah oo hadal ka jeediyay munaasabadda lagu dallacsiiyay saraakiisha booliiska ka tirsan.

C/samad Macallin Maxamuud ayaa u sheegay saraakiisha la dalacsiiyay in markii la arkay kartidooda iyo dadaalka dheeraadka ah ee ay bixiyeen loo gartay in xilalkooda loo kordhiyo, wuxuuna ku tilmaamay booliiska inay yihiin halbowlihii sharciga dalka.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay nooceeda oo uu madaxweynaha Soomaaliya ku dallacsiiyo saraakiil booliis oo tiradan le'eg, waxaana dalalcsiinta saraakiishan ay imaanaysaa xilli ay dowladdu dadaal ugu jirto inay sugto ammaanka Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya













Click here
5/10/2012 8:06 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya ayaa saakay ka saaray dadkiii deggenaa iyo kuwii ku ganacsanaya ka saaray dhismayaal wasaaradeed oo ku yaalla agagaarka isgoysyada Banaadir iyo Zope.

5/10/2012 7:36 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Wafdi ay hoggaaminayaan wasiirro ka socda dalalka Koonfur Afrika iyo Musambiik ayaa maanta booqday Muqdisho iyagoo la kulmay ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali lana hadlay odayaasha-dhaqanka ee ku shirsan Muqdisho.

5/10/2012 6:56 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof oo laba ka mid ah ay yihiin shacab ayaa ku dhintay qarax ciidamada dowladda KMG ah lagula beegsaday jidka Soddonka ee Muqdisho iyo iska-horimaad dhexmaray ciidamada dowladd KMG ah oo ka dhacay jidka warshadaha.

5/10/2012 6:23 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Taliyaha ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay oo Khamiis ah tababar ugu soo xiray dalka Uganda boqlaal ka tirsan askarta dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo muddo lix bilood ah tababar ku qaadanayay dalka Uganda.

5/10/2012 3:47 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku toogtay sarkaal lagu magacaabi jiray, Axmed Maxamed Nuur (Fanax) oo ka mid ahaa saraakiisha hay'adda samafalka Islamic Relief.

5/10/2012 3:45 AM EST
Khamiis, May 10, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay in ka badan 20-kalena way ku dhaawacmeen dagaal culus oo duleedka degmada Xudur ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.