4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2012
Ciidammo Itoobiyaan ah oo buuxiyay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Sabti, June 09, 2012 (HOL) — Ciidammo Itoobiyaan ah oo wata gaadiid dagaal oo fara badan ayaa maanta soo buuxiyay degmada Luuq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Saraakiisha dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq ayaa xaqiijiyay ciidankan Itoobiyaanka ah ee maanta buuxiyay degmadaas, iyagoo sheegay inay yihiin kuwo ka qayb-qaadanaya sugidda ammaanka, balse waxay ka gaabsadeen inay sheegaan tirada ciidamadaas.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Luuq ayaa u sheegay saxaafadda in ciidamadan ay wataan 50-gaadiidka dagaalka ah, ayna ka yimaadeen dhinaca degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin gudaha degmada ayna halkaas ka wadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan, inkastoo aan la ogeyn halka ay ku wajahan yihiin, iyadoo xoogagga Al-shabaab iyagana la sheegay inay dhaqdhaqaaqyo ciidank ka billaabeen deegaanno ka tirsan gobolka Gedo.

Degmooyinka Baardheere iyo Buur-dhuubo oo ka tisran gobolka Gedo ayaa waxaa gacanta ku haya xoogagga Al-shabaab, halka inta badan degmooyinka gobolkaas ay ka taliyaan ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya iyo Kenya.

Tirada ciidamada Itoobiyaanka ah ee maanta soo gaaray degmada Luuq ayaa waxay noqonaysaa taradii ugu badnayd oo ciidammo Itoobiyaan ah oo maalin qura gaara degmadaas.

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee soo gaaray degmada Luuq ayaa waxay imaanaysaa xilli ra'iisul wasaaraha Itoobiya uu bishii hore sheegay inay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan Xarakada Al-shabaab ayna qorsheynayaan inay qabsadaan Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya