4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 7 , 2012
La-taliyihii hore ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo iska fogeeyay inuu lug lahaa Raashin Mucaawimo ah oo la lunsaday

Khamiis, June 07, 2012 (HOL) — La-taliyihii hore ee Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cismaan Siciid Jaamac, ayaa sheegay in cadaalad daro lagula kacay saddexda masuul ee lagu eedeeyey musuqmaasuqa, isla markaana 19 markhaati oo u badnaa booliska aanu midkoona ku cadayn inay kiiskaasi galeen, isagoo xusay in sideedii jireer ee maxkamaddu fadhisatay aan marna lagu sheegin in uu isagu qayb ka ahaa qof sheegayna aanu jirin in lunsigaa raashinka uu isagu ku jiray, xeer ilaalinta lafteeduna sheegtay in aanu ku jirin, waxaanu sheegay in uu aad uga xun yahay xukunka nasiib darada ah ee rajadii laga qabay cadaaladda Somaliland hoos u dhigtay.

Cismaan Jaamac ayaa ku jiray saddexdii masuul ee dhowaanta maxkamadda gobolka Hargeysa xukuno kala duwan lagu xukamay, isla markaana isaga lagu xukumay hal sanno iyo saddex milyan oo Somaliland shilling balse uu iibsaday xadhigaasi, waxaanu sheegay in cadaalad daradii dhacday iyo qaabkii loo xukumay uu buug ka qori doono.

La taliyihii hore ee madaxweyne ku xigeenka waxa uu sidaas ka sheegay shirjaraa’id oo uu ku qabtay Hotel Guuleed ee magaaladda Hargeysa, waxaanu ka waramay sida ay wax u jiraan iyo marxaladda kala duwan ee uu kiiskooddu soo maray, isagoo xusay in awood sheegasho uu ahaa xadhigiisu.

"Ciddii raashinkaasi wadatay daah kama saarnayn xukuumadda, cidii masuuliyadeeddda lahayd haddii meel lagu xaraystay iyo haddii kale cidbay dawladu u xil saartay, cashuur dhaafna u samaysay, ogaanshiyaheedda ayey lahayd"ayuu yidhi la taliyaha madaxweyne ku xigeenka oo ka waramay siday wax u dhaceen ka hor intaan la xidhin.

"Raashinkaasi la lunsaday waxa soo helay Badhasaabkii hore ee gobolka Hargeysa, waxaanu wargaliyey booliska, waxaana lagu soo raray saddex gaadhi, waxaan Raashinkaasi amnigiisa lahaa ciidamada bileyska oo uu markaa madax ka ahaa taliye ku xigeenka Fooxle oo ahaa ku simaha taliyaha, masuuliyadii ay ahayd raashinkii la soo qabtay ee aanu soo gacan galinayey, nasiib daro raashinkii la soo qabtay ayaa dib loo lunsaday, waxaana amniga ilaailnta raashinka u saarnaa ciidanka Booliska"ayuu raaciyey Cismaan Siciid, waxaanu intaas ku daray ."Haddii aanu nahay saddexdan masuul masuuliyada waxay ahayd in raashinkaasi soo helno halka uu yaalo soo qabano laakiin ilaalintiisa iyo soo raristiisa midna maaha masuuliyadayada, sidaa si leeg aniga , badhasaabka, agaasimaha inta shaqadayadu waxay ahayd in aanu soo sheegno," ayuu yidhi.

Cismaan Siciid waxa uu sheegay in markii la soo xidhay aan wax waaran ah laga haysan maxkamadda, isla markaana si jujuub ah loo xidhay "xadhig awood sheegasho ah ayuu ahaa oo aan waafaqsanayn qaanuunka Somaliland u yaala ee dastuurku ku sheegayo qodobka 26aad, faqradaasi 2aad."

Sidoo kale, waxa uu sheegay in isaga lagu eedeeyey waajib gudasho la’aan, ka dib markii wax eed ah lagu waayey "Aniga si gaar ah la igu eedeeyey qodobka 255 oo ahaa wuxuun ha loo sameeyo oo ah waajib gudasho la’aan, waana nasiib daro in 19 markhaati ee la keenay aanu marna igu darin magacaygana lagu sheegin, sidaa si leeg eedahahaasi loo soo jeediyey saaxiibadayada kale in aanay shaqo ku lahayn"ayuu raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, labadda masuul ekale ayaa iyagu xadhigii saddexda sanno ka qaatay racfaan,iyadoo dacwadoodda loo gudbin doono maxkamada racfaanka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somalilanda